Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Maxkamada Ciidamada qalabka Sida ee Gobolada Bari,Sanaag iyo Gardafuu oo xukun riday.

$
0
0

Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Puntland ee gobaladda Bari,karkaar,Sanaag iyo Gardafuu ayaa maanta xukuno xarig ah ku riday ragg lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin ururka Alshabab.

Maxkamaddaynta raggaan ayaa timi ka dib markii uu war bixin faah faahsan uu maxkamdda kasoo horjeediyay xeer ilaalinta kaasoo tilmaamay inay cadaymo hayaan tilmaamaysa inay shabab ka tirsan yihiin.

Ragga lasoo taagay maxkadda oo gaarayay afar ruux ayaa saddex ka dib ah waxaa lagu riday xarig iyo xabsi daa’in halka midka afaraadna lasii daayay kolkii lagu waayay wax danbi ah

Gudoomiyaha maxkamadda cidanka qalabka sida ee Gobaladdda Bari,Karkaar Sanaag iyo Gaardufuu ayaa sheegay go’aanka maxkamadda inay u dhacday sida tan.

1-Cabdiraxmaan Muuse Cismaan ayaa Maxkamdu ay ku xukuntay Xabsi Daa’in.

2-Cabdixakiim Cabdulaahi Xundul Maxkadu waxay ku Xukuntay 10-sano oo xarig ah.

3-Cabdixakiim Cumar Gudduudow Maxkamadu waxay ku Xukuntay 5-sano oo Xarig ah.

4-Aways Buule Saadiq Maxkadu waxay go’aan ku gaaratay in xortoyadiisa dib loogu celiyo ka dib markii lagu waayay eedeynata loo haystay.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ay maxkamadda ciidanka qalabka sida xukuno noocaan oo kale ah ku rido ragg lagu eedeeyay inay xiriir la lee yihiin kooxda Alshabab.

2_47


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles