Muqdisho, February 10, 2014—–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada
Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa
maanta ka qeybgalay munaasabad ballaaran oo looga hadlayay horumarinta
kalluumeysiga iyo kheyraadka badda.
Munaasabadan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo
kheyraadka badda ayaa lagu casuumay iskaashatada kalluumeysiga gobolka
Banaadir, waxaana sidoo kale goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda
kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Maxamed Colow Barrow, waxaana
wasiirka oo goobta ka hadlay uu xusay in wasaaraddiisu ay xooga saari
doonto tayeynta iyo horumarinta hay’addaha ku shaqada leh
kalluumeysiga, isla markaana loo fududeyn doono ganacsatada inay soo
saartaan kheyraadka badda, ayna u iibgeeyaan dalka dibadiisa iyada oo
laga qafiifinayo canshuurta.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed
oo isna munaasabaddan ka hadlay ayaa ku dheeraaday faa’iidadada ay
kheyraadka badda u leedahay dalka, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay
in innaga oo leh xeeb dhererkeedu dhan yahay 3,333 km in maalin kasta
ay dhalinyaro Soomaaliyeed ku dhintaan gudaha badda iyaga oo ka
baxsanaya dalkooda kheyraadka faraha badan alle ku maneystay.
“Ma jirto sabab ay dhalinyaradeenu ugu dhintaan maalin kasta baddaha
iyaga oo u cararaya wadamo shisheeye, waxaan leenahay kheyraad fara
badan oo alle na siiyay, baddeena waxaa la yiraahdaa waxaa ku jira in
ka badan 6,000 oo noocyo kala duwan oo noole ah, kuwaasoo dhamaantood
waxtar u leh bulshada, dhanka ganacsiga iyo dhanka adeegsiga, inyar oo
kaliya ayaan ka faa’iideysanaa kheyraadkaas, waana in bulshadu ku
baraarugtaa wax soo saarka dalka iyo muhiimadiisa” ayuu yiri Ra’iisul
Wasaaraha oo xusay in xukuumadiisu ay muhiimad siineyso kobcinta iyo
horumarinta kheyraadka dalka, sida kalluumeysiga, beeraha, xoolaha iyo
qeybaha kale ee dalku hodanka ku yahay si loo helo bulsho wax-soosaar
leh.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa carabka ku
adkeeyey in sidoo kale xukuumadu ay xooga saari doonto sidii loo sugi
lahaa amniga, loona xasilin lahaa dalka si dhamaan gobolada dalka ay
shacabku awood ugu yeeshaan inay si xor ah u horumariyaan
kheyraadkooda.
Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia.