Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Fadhiyadii Golaha wakiilada Somaliland oo muddo todobaad la joojiyay, kadib khilaaf hareeyay Golaha.

$
0
0

Fadhiyadii Golaha Wakiilada Somaliland ayaa muddo todobaad ka hakiyay kadib is qab qabsi buuq iyo ka hadal hareeyay Golaha, kaasoo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay uu ka dhex jiray Xildhibaanada Golaha wakiilada.

Khilaafka ka dhex taagan Golaha wakiilada ayaa salka ku haya awooda dhinaca hogaanka, iyadoo xildhibaanada ay la kala safan yihiin Gudoomiyaha Golaha wakiilada iyo labadiisa kuxigeen.

Fadhigii maanta uu isugu yimid Golaha wakiilada ayaa waxaa ka soo qeyb galay Gudi ka socda Guurtida oo doonayay inuu dhex dhexaadiyo Golaha wakiilada, waxaana markii dambe uu Gudoomiyaha Golaha wakiilada aqbalay in 7-maalmood la soo xiro fadhiga, si loo dhex dhexaadiyo.

Muranka u dhaxeeya Golaha wakiilada Somaliland ayaa saameyn ku yeeshay ammaanka, iyadoo xalay Ciidamada booliska ay hotel ku yaal magaalada Hargeysa kala baxeen labo nin oo ka tirsanaa Gudiga Talo iyo Towfiiq.

Mooshin iska soo horjeeda ayaa hor yaala golaha wakiilada, iyadoo Labada gudoomiye kuxigeen ay aad uga soo horjeedaan Gudoomiyaha oo doonaya in awoodiisa la dhimo, isla markaana xeerka hoosaad wax laga bedelo.

xarunta_wakiilada


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles