Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Maamul gobolleedka Puntland Mudane C/weli Maxamed cali Gaas ayaa waxay soo gaareen magaalada Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Madaxweynaha Puntland ayaa socdaalkiisa uu Muqdisho kusoo gaaray waxaa ku weheliya Dr.Faroole ,Gen.cade Muuse iyo masuuliyiin kale .
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.
C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland iyo xubnaha la socda ayaa caawa waxa ay ku hooyan doonaan Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale maalinta berito ah ay ka qeybgali doonaan aaska qaran ee loo sameyn doono Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya.
Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay goobta lagu aasayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen, iyadoo xubnaha aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ka qeybgalaya ay Muqdisho kusoo qul-qulayaan.