Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) ayaa saakay u amba baxay magaalada Muqdisho si uu uga qayb galaan aaska qaran ee loo samaynayo RW labaad ee Somalia oo Maraykanka ku geeriyooday.
Gaas waxaa socdaalkiisa Muqdisho ku weheliya Dr.faroole Gen.cade Muuse .wasiiro,xildhibaano iyo Isimo Reer Puntland ah.
Agaasime ku xigeenka madaxtooyadda Puntland Cawil Xasan Daad oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay wafdiga madaxwaynaha uu hoggaaminayo inay ka qayb galayaan aaska allaha u naxariistee loo samaynayo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
Maydka Marxuub Cabdirisaaq ayaa laga soo duuliyay dalka Maraykanka waxaana lagu wadaa saacadaha soo socda in laga soo dajiyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde e Muqdisho.
Puntland iyo DFS ayaa xiriirkii ka dhaxeeyay go’an bilhii lasoo dhaafay,mana muuqata isi soo dhowaansho u dhaxeeya labada dhinac.