Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo saaka ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

$
0
0

Dr.Cabdiweli-Maxamed-CaliMadaxweynaha Puntland Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ku soo wajahan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan aaska qaran ee loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/risaaq Xuseen.

Sida ay sheegayaan wararka wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole, Cadde Muuse, Mas’uuliyiin iyo odayaal dhaqameed ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Dowladda Soomaaliya ayaa hab maamuus heer sare ah u sameyn doonta aaska qaran ee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo dhowaan ku geeriyooday dalka Mareykanka, iyadoo Gudiga loo saaray ay wadaan qaban qaabada aaskiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Meydka Ra’iisul Wasaarihii hore lagu aasi doonaan duleedka Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow deegaanka Ceel Carfiid oo ahaa halkii lagu aasay Allaha u naxariistee Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan sanadkii 2007-dii.

Wafuud ka kala socota dalalka deriska iyo maamul dalka ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona aaska, iyadoo lagu wado in maalinta berri oo jimco ah uu dhaco aaska qaran.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa ka qeyb qaadan doona sugida amniga wafuuda ka qeyb galeysa aaska qaran, iyadoo maalinta berri laga yaabo in qeybo badan oo magaalada la isku xiro.

Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ayaa si wada jir ah tacsi ugu diray Umada Soomaaliyeed, qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii labaad ee Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles