Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo Salaad Janaaso lagu tukaday(Video).

$
0
0

mqdefaultMaydka ra’iisul wasaarihii labaad ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa lagula tukaday salaaddii janaasada masaajidka weyn ee Abuubakar Al-Sadiiq ee magaalada Minneapolis shalay oo Talaado ahayd, waxaana ka qaybgalay jinaasada muslimiin fara badan  badan.

Waxaa ka hadlay culumaa’udiinka gobolka qaar ka mid ah, waxaa taariikhda marxuumka ka sheekeeyay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ay saaxiib dhow ahaayeen, isagoo sheegay in Cabdirisaaq uu u dhintay dhaawac soo gaaray 1950-kii.

“C/risaaq oo ahaa Taar-wale ama dhii-dhaale, waxaana dhici jirtay in SYL ay hesho warar aanay heli jirin Tayaaniga iyo Ingiriiska oo gumeystayaashii Soomaaliya haystay ahaa, marka habeen ayaa madaxdii Talyaaniga ay bar-timaalsadeen Cabdirisaaq marka siday u garaacayeen ayuu dhiig tufay marka dhawaacii sanbabkiisa soo gaaray ayuu Jimcahii hadda u dhintay marka Soomaaliyeey Cabdirisaaq cadowga ayaa  dilay taa yaan la iloobin,” ayuu yiri Prof. Samatar.

Sidoo kale, C/raxmaan Dalmar oo ku hadlay codka qoyska marxuumka ayaa u mahad-celiyay shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay dowladda Soomaaliya qaasatan madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiriiri toos ah la sameeyay qoyska markii ay geeridu dhacday ballanqaadayna inay aas Qaran u sameynayaan.

Culummaa’uddiinka khudbadaha jeediyay ayaa waxaa ka mid ah: Sheekh Axmed Taajir iyo Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo Imaan ka ah masjidka Abuubakar Al-Saddiiq ee ku yaalla magaalada Minneapolis

Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen ayaa lagu wada in maalinta Jimcaha ee soo socota oo ay bishan ku beegan tahay 07-da lagu aaso magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay guddi u saartay aaska marxuumka.

Maydka marxuumka ayaa maanta oo Arbaco ah 11:00 subaxnimo laga dhoofin doonaa garoonka Minneapolis iyagoo xubno ka dirsan dowladda Soomaaliya kula wareegi doonaan dalka Turkiga, waxaa ka raaci doona magaalada wafdi ka kooban jaaliyadda iyo qoyskiisa, waxaana ka mid ah prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles