Jaaliyada Puntland ee Dalka Switzerland, ayaa shalay dooratay hogaan cusub oo hogaamin doona mudadada 2 sano ee soo socota, kulan ka dhacay magaalada Freiburg oo ay soo qeyb galeen qeybaha kala duwan bulshada reer Puntland ee ku degan dalkan Switzerland ayaa waxa ay ku doorteen Hogaan cusub oo ka kooban 4 xubnood.
Xubnihii cusub ee la doortay ayaa kala ahaa :-
Fartuun Cabdirisaaq oo loo doortay Gudoomiyaha cusub ee Jaaliyada Puntland ee Dalka Switzerland.
Maxamed Jabriil Catoosh, oo Loo doortay Gudoomiye ku-xigeenka Jaaliyada Puntand ee Switzerland.
Cabdi Keyse Gaas oo isna noqday Qasnajiga Guud ee Jaaliyada Puntland ee Dalka .
Ugu danbeyntiine Xoghayaha Jaaliyada Puntland waxaa loo doortay Cabdulaahi Xasan.
Cabdiqani Cali Dalmar.