Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

kulan ku saabsan mataanaynta Shacabka jigjiga iyo Garoowe oo xalay garoowe lagu qabtey(Sawiro).

$
0
0

Kulan ku saabsan mataanaynta shacabka Jigjiga iyo Garowe laguna soo bandhigay ciyaarta dhaantada ayaa xalay  lagu qabtay xarunta gobalka ee magalada Garowe.

Bandhig dhaqameedkaan uu sameeyay fanaanka dhaantada ku caanbaxay ee Cali Bashiir(Dhaanto) ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar ka mid ah wasiiradda hore ee Puntland,wasiiradda cusub iyo dadwayne kale oo usoo taawasho tagay dhaqanka iyo ciyaarta dhaantada.

Ugu horayntii xafladda inta aan la gudo galin bandhig dhaqameedka iyo ciyaaraha dhaantadda ayaa waxaa ka hadlay wasiirkii hore ee wasaradda waxbarashadda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa,wuxuna ku tilmaamay dhaqanka iyo hidaha mid ku taxan quluubta umadda Soomaaliyeed sidaasi darteedna loo baahan yahay in xili kasta la dhowro.

Juxa ayaa sheegay arrintan oo kale inay isku soo dhawaynayso shacabka Soomaaliyeed,wuxuna uga mahad celiyay Cali Dhaanto oo dhaantada ku dheereeya.

Wasiirkii hore ee warfaafinta iyo qunsulka Itoobiya ee Puntland oo ka mid ahaa masuuliyiintii bandhig dhaqameedkan ka hadlay ayaa soo dhaweeyay munaasibadan,waxayna sheegeen inay bilow wanaagsan u tahay is-dhexgal bulsho.

Fanaanka Cali Dhaanto ayaa goobta xaflada kusoo bandhigay heeso kala duwan oo qaarkood ay cusub yihiin,wuxuna sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in kuwo la mid ah bandhig dhaqameedkaan uu mar kale Puntland ku qabto.

Waa markii ugu horaysay oo bandhig dhaqameed lagu qabto magalada Garowe xarunta Puntland.

8_25

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles