Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Madaxweyne Cabdiwali Gaas oo Sharcigii Puntland Jabiyay.

$
0
0
Akhristow Dowlada Puntland waxaa la dhisey 1998, Waxana lagu dhisey 5-Gobol Iyo Dagamada Buuhoodle,  waxa loo fadhiyay Shirar aad u badan si loo dhiso Maamul dadka Deeganada Puntland ey yeeshaan, Dood dheer Iyo Falanqeyno waxa la Isla qaatey in la dhiso Maamul ey ku mideysan yihiin Dadka Walaalaha ee Dageen-wadaaga ah.Hadaba Madaxweyne Abduwali Gaas, Sidee Dastuurka Puntland ku jabiyay?? Sida aan xusney markii la dhisayay Puntland waxaa lagu qeybsadey Barlamaanka Iyo Golaha Wasiirada dadka Dagan ee wax ka saxiiixey Axdi-Qarameedkii Puntland lagu dhisey 1998, taas oo habraac u noqotey Saami-qeybsigii soo jireenka ahaa ee Puntland, Madaxweyne Gaas ayaa golihiisa Wasiirada kusoo darey, Beesha Sade Iyo Beesha Absame, taas oo marka laga hadlaayo Dastuurka Puntland ey tahay Sharci daro maadama labada Beelood eysan wax Ka dhisin Puntland Isla-markaana Dastuurka Puntland ey qalad ku tahay Beel aan kamid aheyd Puntland iney Saamiga Golaha Wasiirada Iyo Barlamaanka ey qeyb ka helaan Iyadoon laga wada hadal dibna loo fariisin Isimadii Puntland si loo helo Sharciyad.

Madaxweyne Abdiwali Gaas, waxa uu ilaawey inuu ku yimid Sharci Iyo Dastuur, balse aad moodo inuu ku xad-gudbey Arrimaha aan xusey mana aheyn talo uu lee yahay ee waxa ey aheyd arin Dastuuri ah loogana fadhiyay Madaxweyne Gaas, inuu dib ugu noqdo Dastuurka Puntland tashina ka sameeyo, Waxa II muuqaneysa in hadaba Madaxweynaha yimaada oo Dastuurka Puntland Ka dhiganayo mid uu isagu lee yahay, balse Golaha Barlamaanka Iyo Maxkamada-sare ee Puntland ayaa looga fadhiyaa iney Qaladkan Dastuuriga ee uu Madaxweyne Abdiwali Gaas, galey lagala xosaabtamo, Madaxweyne Gaas, ayaa qadiyay Beelo badan oo Reer Puntland halka kuwana uu siiyay Saami aad u Yar oo aan arkey iney Ka caroodeen, Sida Leelkase, Warsangali, Dishiishe, Abdirahmaan Harti, Geesaguule, Jambeel, Ali-Jibraahiil, Reer Cumar, Reer Bicidyahan, Awartable, Siwaakhroon, Beelahan ayaa kamid ah Beelaha Saldhiga u ah Puntland laguna tilmaamo kuwa Puntlander ah, iyadoo Madaxweyne Gaas, laga rabey inuu iyaga mudnaanta siiya ka hor intuusan Sharciga Puntland u jabin Beelo kale iyadoo aan la ogeyn Siyaasada Madaxweyne Gaas u siiyay Xilalka.

NB: Shaki kuma jiro Beelaha Sade Iyo Absame in Puntland lagu soo daro ey cudud iyo sharaf u tahay Puntland, balse in laga wada hadalo Tashi Iyo Shirar laga yeesho ey ka horeysay SI loo Qaado Afti.

Hadaba Madaxweyne Abdiwali Gaas Iyo Sharciga Puntland, Yaa u gar naqaya??

Qoraa-sare Xirsi Faarax.

Gaas2

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Latest Images

Trending Articles