Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa diiday xilka wasiir ku-xigeenka ciyaaraha iyo dhalinyarada oo uu xalay u magacaabay raysul wasaaraha Soomaaliya.
Tarsan ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn xilligan inuu ka mid noqdo golaha wasiirrada, isagoo xusay inaan lagala tashan markii lagu soo darayay liiska golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah.
Wuxuu uga mahadceliyay raysul wasaaraha iyo madaxweynaha xilka ay la jeclaadeen ee xukuumadda.
Raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xalay ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 25 wasiir, ku-xigeennadooda iyo 5 wasiiru-dowle.