Midowga Afrika ayaa sheegay inuu taageerayo Xukuumada Soomaaliya ee la soo dhisayo
Iyadoo shalay Baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay codsi Ra’iisul Wasaaraha ku dalbanayay in muddo 10-cisho loogu kordhiyo waqtiga uu ku soo magacaabayo Golihiisa Wasiirada ayaa waxaa War ka soo baxay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya uu ku sheegay inuu taageerayo Xukuumada cusub ee la soo dhisayo.
Danjire Maxamed Saalax Anaadif oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay inuu kala hadlay sidii loo dar dar gelin lahaa wada shaqeynta dowladda iyo Midowga Afrika.
Mr Anaadif ayaa sheegay inuu si buuxda u taageeri doono Xukuumada cusub ee lagu wado inuu dhowaan soo dhiso Ra’iisul Wasaare C/wali, waxaana uu bogaadiyay howsha iyo dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaruhu.
Qodobada ay labada mas’uul ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa howl galka AMISOM ee Soomaaliya iyo Hirgelinta qaraarkii Qaramada Midoobey ee tirsigiisu ahaa 2124, waxaana ay isku raaceen iskaashi buuxa oo labada dhinac dhex mara, si loogu guuleysto arrimaha ammaanka, siyaasada, arrimaha bulshada iyo bani’aadaimada
Danjire Maxamed Saalax Anaadif ayaa ku boorriyay shacabka Soomaliyeed in ay taageeraan dowladda si fursad loogu helo sanadkan soo afjaridda howlgallada lagula dagaalamayo kooxaha Al-qaacida.