Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar ayaa laga Taageeray Isbadalka Cusub ee ka dhacay Puntland.
Boqolaal qof oo isugu jirey qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa isugu soo Baxay Hareeraha Wadooyinka Degmada Waaciye,waxayna ku dhawaaqayeen Hadalo Guubaabo ah oo ay Madaxweynaha ku Taageerayeen.
Dadkii isu soo baxa ka qeybgalay ayaa waxa ka mid ahaa Abwaan Hiirad Xirsi Dubbe oo Tix Gabay u tiriyey Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Puntland.
Abwaan Hiirad Xirsi Dubbe ayaa Gabay uu Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Puntland u tiriyey ku Yiri”
-Jihadu Yeey kaa Qaldamin.
-Talada Keligaa ha Jaran.
-Puntland Jeebka ha ku Shuban.
-Cadaalad U kala Jideey.
Halkan Hoose ka Daawo Soo Dhoweyntii Madaxda Cusub ee Dowlada Puntland.