Kulanka Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa la iskula soo qaadey arrimo ku saabsan sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen islamarkaana uu Dr. Faroole talo buuxda uga yeelan lahaa dhismaha Dawlada cusub iyo aayaha Puntland.
Dr. C/wali Cali Gaas oo ku booqday Dr. Faroole xarunta Madaxtooyada Garowe ayaa sugaya xaflada xil wareejinta oo dhawaan ka qabsoomi doonta magaalada Garowe, waxaana uu ugu hambalyeeyey Madaxweynihii hore ee Puntland sida sharafta leh uu ugu wareejiyey xilka.
Kulanka Nichlos Kay iyo C/weli Gaas.
Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada midoobey Nichlos Kay oo Garowe ku suganaa labadii maalmood ee la soo dhaafey ayaa kulan uu la qaatey Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiwali Gaas waxa uu ugu gudbiyey talooyin ka yimid QM.
Sida ilo xogogaal ah ay ku waramayaan Nichlos Kay ayaa ka dalbaday Mudane Gaas, in qadarin gaar ah uu siiyo kaalinta Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Faroole uu ku leeyahay dhismaha Dawlada Puntland iyo awooda baaxada leh ee uu weli ku leeyahay dalka, taas oo Madaxweynaha cusub Dr. Gaas iyo xukuumadiisu u fududayn karta hor u socod.
Nichlos Kay ayaa ka codsadey Madaxweyne Gaas in aanu ku deg degin, islamarkaana uu ka taxadaro talaabooyin saameyn uu ku yeesha ama ka hor imanaya awooda siyaasadeed ee Dr. Faroole weli ku leeyahay gudaha mandiqada Puntland.
“Waxaan kaa codsanayaaa in aad Faroole la sameyso awood qeybsi ku saabsan dhismaha xukuumadaada, madaama sida aad og tahay tartankii shalay idin dhex marey uu ahaa mid isagu kaaga adkaadey marka loo fiirsho codadka aad sida gaarka u heshay iyo kuwiisa oo farqi weyn uu u dhexeeyey, balse aad hal cod ku dheeraatey hiilo ay kuu sameeyeen 11 Musharax , marka Madaxweyne waa inaad ka fekertaa sidii aad kaalin muuqata oo leh talo galyo iyo dhismo dowladeed aad u siin lahayd Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Faroole” ayuu ku yiri Nichlos Kay Madaxweynaha cusub.
Kulanka Madaxda Ethiopia iyo Dr. Gaas.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr. C/weli Cali Gaas wuxuu sidoo kale galinkii danbe ee shalay kulan saacado kooban socday magaalada Garowe kula yeeshey Madaxda xafiiska Qunsuliyada Dowlada Ethiopia ay ku leedahay Garowe, kuwaas oo la sheegey inay kaga wada hadleen arrimo xasaasiya oo ku saabsan xiriirka Puntland iyo Ethiopia.
Dowlada Ethiopia oo ka mid ahayd dowladaha xiriirka wanaagsan uu kala dhexeeyey Puntland tan iyo markii uu xilka hayay Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxman Shikh Maxamed Faroole islamarkaana ka mid ahayd guulihii uu Faroole ka gaarey in dowlada Ethiopia xarun Qunsuliyadeed ka furato Puntland ayaa sida ilo xogogaal ah noo xaqiijiyeen waxay u gudbiyeen Madaxweynaha cusub talooyin dhawr ah oo ku saabsan xaalada iyo marxalada cusub ee Puntland galayso iyo sida ugu fudud ee ay uga geysan karto dowlada Ethiopia talooyin muhiim ah.
Safiirka u fadhiya dowlada Ethiopia Puntland Asmalash iyo C/wali Cali Gaas ayaa kulankooda iskula soo qaadey arrimo ay ka mid yihiin in muhiim la siiyo sii wadida barnaamijyadii hore ee dhanka siyaasada iyo horumarinta islamarkaana ay gacanta ku haysay Xukuumada Faroole sidii halkoodii ay uga sii socon lahaayeen.
Qunsuliyadda Dawlada Ethiopia madaxdeeda ayaa u sheegtey Madaxweynaha cusub ee Puntland inay xireyso xafiiskeeda tan iyo inta ay ka qiimeynayso sida ay noqoneyso siyaasada cusub ee ay kula jaan qaadeyso Puntland Xukuumada uu hogaaminayo C/weli Cali Gaas.
Waxa uu sheegey Asmalash oo ilo ku dhow dhow kulankii uu la yeeshey Dr Gaas ay xaqiijiyeen in xiriirkii Ethiopia iyo Puntland uu saldhig muhiim ah u ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole islamarkaana iyada uusan meesha ka bixin xiriirkaas ay kusoo wargaliyeen madaxda sare ee Dowlada Ethiopia in la hakiyo ilaa iyo inta dowlada Ethiopia ka qiimeynayso sida uu ku saldhigto barnaamijka siyaasadeed ee Dr C/weli Gaas.
Ashmalash ayaa fariin ahaan ugu gudbiyey C/wali Gaas inuu sameeyo taxadar iyo aragti dheer oo uu ku sameeyo sidii uu uga shaqeyn lahaa iskaashi uu la yeesho Madaxweynihii hore ee Puntland, madaama ay jirto dhanka amniga cadow badan oo ay leedahay Puntland uuna ugu horeeyo Alshabab oo u soo xiran kara Madaxweynaha cusub shaar siyaasadeed oo cusub.
Madaxda Qunsuliyada Ethiopia oo sida la sheegey ka walaacsanaa in isbedelka ka dhacay Puntland uu saameyn weyn ku yeesho amaanka iyo nabadgalyada ka jirtay oo ay ugu horeyso mida caasumada ayaa si cad u sheegey in maalinta axada ah ay guurayaan Madaxda Qunsuliyada Ethiopia oo ay aadayaan dalkooda.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr C/wali Cali Gaas ayaa laga dhur sugayaa sida uu ku wajaho arrimo badan oo horyaala ay ugu horeeyaan dhismaha xukuumad cusub , waxaana wararka laga helayo hoyga uu degan yahay sheegayaan inay soo buux dhaafiyeen dad badan oo ka dhur sugaya is bedelo ay ku sameeyaan jagooyinka xubno badan oo dowlada ku jira sida saraakiisha, iyo hay,addaha dowlada, waana mida koowaad ee wel welka laga qabo hadii uu faro fagalin deg deh ah ku sameeyo Madaxweyne Dr C/wali inay kusoo wajahi karto siyaasad qalafsan oo saameyn ku yeelata hogaamintiisa Puntland.