Baarlamaanka Puntland oo maanta fadhigoodii ugu horreeyey isugu yimid ka ddib markii ay shalay doorteen guddoonka sare ee Golaha, ayaa maanta Ansixiyey hab-raaca guddiga Xildhibaanada ah ee Maamuli doona Doorashada Madaxtinimada.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxtinimada ee Puntland Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo waxyar kadib markii uu baarlamaanku ansixiyey hab-raaca ay ku shaqeyn doonaan warbaahinta la hadlay, ayaa soo bandhigay shuruudaha laga rabo murashaxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.
Shuruudaha Murashaxiinta lagu xiray waxaa ugu mihiimsanaa:
1-In murashaxu uu bixyo khidmad dhan $10,000 (toban kun oo doolar).
2-Inuu yahay muwaadin u dhashay Puntland, Muslim ah islmarkaana aan qabin haweeney ajnebi ah.
3-In shantii sano ee ugu dambeysey hantidiisa khaaska ah aanay maxkamadi xannibin islamarkaan aan lagu helin khiyaamo qaran.
4-Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo hoggaamineed.
5-Murashaxiintu waxay ka imaan karaan Baarlamaanka dhexdiisa iyo dadweynaha caadiga ah.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxtinimada ee Puntland Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad, ayaa dhinaca kale sheegay in qabashada araajida murashaxiintu ay bilaabmeyso galabta ayna ku egtahay 6-da bisha.
Howsha guddiga doorashada -oo ka kooban 6 xildhibaan- waxay tahay maamulka doorashada, tirinta codadka, soo gudbinta natiijada doorashada iyo qabashada khidmadda laga qaadayo murashaxiinta u tartamaya xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.
Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 mudane, iyaga ayaa soo dooran doona madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, wuxayna shalay doorteen guddoonka sare ee baarlamaanka.