Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Boqor Axmed Boqor Cabdullaahi oo Garoowe Lagu soo Dhoweeyey(Sawiro).

$
0
0

Boqor Axmed Boqor Cabdulaahi Muuse oo maalmo ka hor beesha reer Boqor Muuse magaalada Bossaso kaga dhawaaqeen inuu yahay boqorka beelaha Daarood ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyay duleedka magaala madaxda Garowe.

AHN Axmed aya ugu wayn caruurtii uu ka dhintay Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse oo 24 June-2013 dalka Finland ku geeriyooday.

Dadwayne iyo Odayaasha dhaqanka Gobalka Nugaal ayaa duleedka bari ee magalada kaga hortay boqor Axmed Boqor Cabdulahi oo ay la socdaan Qoyska Reer Boqor Muuse, dadkii soo dhaweeyay ayaa iskugu jira,haweenka dhaqanka,Odayaal iyo dhalinyaro.

Soo dhawaynta ka dib Axmed Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka wanaagsan ee ay shacabku ugu muujiyeen kalsooni, wuxuna tilmaamay Garowe inay tahay Caasumadda Puntland iyo halkii lagu yagleelay dowladda fedderaalka ah ee Muqdisho fadhida.

Boqor Axmed ayaa tilmaamay inay muhiim tahay adkaynta midnimadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, wuxuna si wayn dowladda Puntland ugu amaanay sida wanaagsan ee ay ammaanka u adkeeyeen maadama Garowe ay doorasho ka dhacayso Jan, 2014.

Qaarka mid ah dadkii soo dhaweeyay Boqor Axmed oo saxafadda la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin socdaalka uu Boqor Axmed Boqor Cabdilaahi kusoo gaaray caasumadda Puntland.

Socdaalka Boqor Axmed Boqor Cabdilaahi Boqor Muuse ee Garowe waxaa ku heliya adeeradiisa iyo cuqaal waxayna kala yihiin.

Cumar Boqor Muuse
Cabdicasiis Boqor Muuse
Cabdirashiid Boqor Muuse
Cabdijimaan Boqor Muuse.

Waxana lagu wadaa Boqor Axmed Boqor Cabdilaahi inuu ka qayb noqdo Isimadda ku sugan magalada oo ka arimiya doorashada inagu soo foodleh.

13_10

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles