Isimadda soo jireenka ah oo maalmihii lasoo dhaafay shirar kala duwan ku lahaa magalada Garowe xarunta Puntland ayaa maanta waxay soo saareen go’aamo saddex qodob ka kooban,kuwaasoo si toos ah uga socda guddiga xalinta khilaafaadka ee uu madaxwaynaha magacaabay.
Halkan Hoose ka Akhriso Go’aamada Isimada soo Jireenka Ah:-
1-Isimada Soo jireenka ah ee Puntland ayaa go’aanka 1aad ku gaaray in xiliga Doorashooyinka Puntlande ee ah 8da jenuary aysan ka dib dhicin oo Doorashadu ay xiligaas dhacdo,
2-isimadu waxay kaloo go’aan ku gaareen in gudiga khilaafaadka ee Puntland ee kuhawlan soo xulista Xildhibaanada aysan ku dhawaaqi karin Xildhibaanada soo baxay ilaa Isimadu ay ka hubinayaan kana turxaan bixinayaan iyadoo la eegayo maslaxada dalka iyo Amniga Puntland.
3-Isimada ayaa Go’aankooda 3xaad ku sheegay in ay diyaar u yihiin xalinta khilaaf walba oo jira una dhexeeya Siyaasiyiinta Musharaxiinta iyo Dowladda ayna doonayaan wax walba in wada hadal iyo is afgarad lagu dhameeyo lagana gudbo hadal haynta daran ee Puntland caalamka ugu jirta.
Go’aankan Deg dega ah ayaa imaanaya iyadoo Salayto ay shir kulul yeesheen Isimada Puntland kaasi oo aan wax natiijo ah kasoo bixin hase ahaatee wuxuu gogol xaar u noqday go’aankii ay maanta soo saareen, waxaana go’aankan qayb ka ahaa Noicholas Kay Wakiilka QM ee Arimaha Soomaliya Kaasi oo isimada ku cadaadiyay in aan laga dib dhicin xiliga Doorashooyinka wax walbana wada hadal lagu xaliyo, si kastaba hadalka isimada ayaa ahaa mid si wayn loo wada sugayay iyadoo ay jiri doonaan kulamo kale oo ay yeelanayaan.