Dadaal dheer oo isimada Puntland ay galeen waxaa si rasmi ah loogu guulaystay in la xaliyo Khilaafkii ka taagnaa Gudiga Xalinta Khilaafaaka & diiwaan galinta Doorashada PL, iyadoona si rasmi ah warkaas saacadaha soosocda loo shaacin doono.
Musharaxiinta ayaa Maanta kulan ay Caasimada ku yeesheen si rasmi ah isugu racay tanaasul waxaana muuqata haatan in si toa dhinac walba u qancay.
Isimada soo jireenka ah ee Puntland ayaa waday shirar la tashiyo ah kuwaas oo ku aadanaa xalka gaarista arinka taagan, iyadoona la filayo in Doorashada ay dhacdo wakhtigeedii.
Musharaxiinta ayaa war saxaafadeed soo saraya sida la sheegay, kaas oo ay ku saxiixanyihiin, waaxana si toosa haatan meesha uga baxaysa isqabqabsigii ka taagnaa gudiga, iyadoona waxii bari ka danbeeya ay bilaaabanayso in Olalaha Doorashada & kala shaxaadka Xildhibaanada Cusub laga dareemi doono Garoowe.