waxgaradka ka soo jeeda Qayska ilma Muuse Boqor ayaa Gogal Casumaad ah ku fidiyay Hotel Alla aamin ee Magaalada Qardho kaasi oo ay ka soo qayb galeen waxgaradka Magaalada Qardho kuwaasi oo ku shaaciyay inaysan jirin shaqsi ay isku raacsanyihiin oo loo Xushay qabashada Hogaanka Boqortooyada Beelaha Cismaan Maxamuud(Majeerteen).
Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen dad faro badan oo ka mid ah waxgarad kasoo jeeda beesha Cismaan Maxamud iyo Qoysaska kala ah Ilma Boqor Maxamud, Ilma Boqor Cabdulahi King Koor iyo Ilma Boqor Muuse ayaa si rasmiya waxa sharaxaad looga bixiyey khilaafka iyo muranka ka taagan cidda loo xulayo hogaanka boqortooyada xilli ay jirto sheegashada wakiilkii ka hor intii uusan dhiman Boqor Cabdulahi King koor oo isagu sheeganaya inuu yahay shaqsiga loo xushey qabashada Hogaanka Boqortooyada Burhaan Boqor Muuse .
Wax-garadkii kulankan kasoo qeyb galay iyo kuwii caasumaada sameeyey ayaa ku eedeyey Burhaan Boqor Muuse iyo Gen Cade Muuse inay ku dhaqaaqeen talaabooyin guracan oo qoyska reer Boqor Cismaan ka dhex dhaliyey muran iyo is qab qabsi ka dib markii shirar Bosaso ay horey ugu yeesheen ku dhawaad kontomeeyo waxgarad ah oo kasoo jeeda Reer Boqor Cismaan la isku mari waayey in Burhaan loo xusho ruuxa noqonaya hogaanka Boqortooyada beelaha Cismaan Maxamuud.
Xubno uu ka mid yahay Gen Maxamed Siciid Yuusuf (Indho cadeys) oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada kulanka ayaa ku sababeeyey inay la xiriirto sidii sharaxaad looga bixin lahaa in aysan qoyska reer boqor cismaan wali si rasmiya isugu raacin shaqsiga loo xulayo inuu noqdo hogaanka boqortooyada islamarkaana shirar horre oo Bosaso ay isugu yimaadeen ku dhawaad Kontomeeyo ka tirsan Qoyska reer Boqor Cismaan oo uu ka mid yahay Gen Cade Muuse la isku mari waayey in kursigaas loo caleemo saaro Burhaan Boqor Muuse oo isagu hadda sheeganaya inuu yahay shaqsigii loo xushey kursigii uu ka dhintey AUN Boqor Cabdulaahi King koor.
Gen Indho Cadays ayaa sheegey in Burhaan Boqor Muuse aysan u aqoonsaneyn inuu yahay shaqsiga la isku raacsiisan yahay islamarkaana qofkii bedeli lahaa Boqor Cabdulahi King koor oo dhawaan ku geeriyoodey dalka Filand soo xulidiisa Waxgaradka Reer Boqor Cismaan iyo Beelweynta ay kasoo jeedaan ee Cismaan Maxamud ku howlan yihiin.
Burhaan Boqor Muuse ayaa mudadii uu xanuunsanaa intii uusan geeriyoon ka hor Boqr Cabdulahi Kingkoor loo aqoonsanaa inuu ahaa Wakiilka Boqorka beelaha Cismaan Maxamuud, waxaana yimid Geeridii Boqor Cabdulahi King koor ka dib muran ku saabsan shaqsiga sida rasmiga ah la iskugu raacsiisan yahay ee loo caleemo saarayo hogaanka boqortooyada.