Musharaxinta Puntland ayaa maanta kulan looga hadlayo amaankooda waxaa ay ku leeyihiin gudaha magaalada Garoowe iyagoo shaki ka miijiyay dhacdadii shalay dhacday ee weerarka aheyd.
Waxaa la soo warinayaa in kulankooda musharaxiintu ay ugaga yeereen gudoomiyaha u qaabilsan amaanka doorashada Dowlada puntland Sareeye Guuto Siciid Dheere .
Waxay kulankaas kuweydiindoonaan taliyaha su’aalo iyagoo ka duulaya dhacdadii shalay ka dhacay magaalada ee aheyd weerarkii loo geystay musharax ka mid ah musharaxiintaas siiba musharax C.daahir Maxamed yuusuf Yeey.
Waxaa muuqata in mushaaxiintu cabsi ka muujinayaan xaalada amaankooda ee garoowe maadaama dhacdadii shalay dhacday ay aheyd mid siweyn looga hadal hayo dhamaan deegaanada Puntland siiba gudaha Puntland .
Kulanka ayaa iminka socda waxaana lagu wadaa in marka uu soo gaba gaboobo ay la hadlaan saxaafada kana warbixiyaan waxyaabihii ay ka soo saareen wada hadalkooda.