Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Garaad Jaamac”ma jiraan wax Xildhibaano aan u diri doono Puntland, balse waan ka wada hadli karnaa”

$
0
0

imageGaraad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah Garaadada Beelaha dhulbahaanta oo maanta la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in aysan jirin ogaantiisa wax Xildhibaano ah oo kasocda gobolada Sool iyo Cayn oo ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee Puntland.

Garaad Jaamac oo hadalkiisa qeexaya ayaa yiri ma jiri doonaan wax Isimada Soo jireenka ah ee gobolada Sool iyo Cayn oo Xildhibaano u diri doona Baarlamaanka Puntland, hase ahaatee hadii taasi dhacado waxey noqoneysaa ayuu yiri mid aan waxba soo kordhineyn.

Garaad Jaamac oo hadalkiisa ahaa fariin uu u dirayo Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in ay furantahay in iyaga iyo isimada Puntland ay ka wada hadalaan wixii khaladaad ah ee dhacay, ayadoo taasi ay tahay ayuu yiri dhaqankii soo jireenka ahaa ay wax ku xalisanjireen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles