Madaxweynaha Puntland ayaa ka war Bixiyey kulan uu maanta la qaatay ilaa 17 ka mida musharaxiinta madaxtinimada Puntland oo markii danbe kala fikir duwanaansho ku dhamaaday.
Madaxweynaha ayaa saxaafada la hadlay ayaa sheegay in musharaxina si fiican ugu soo dhoweyeen madaxtoyada uuna gudoomiye u ahaa Gen. Cabdulaahi Siciid Samatar, waxana musharax Cali Xaaji Warsame ka akhriyay goobta ajandaha shirka oo ka koobnaa afar qodob:.
1-In si wadajir ah loo magacabo guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka.
2-In la magacaabo guddi issimadu ku mideysanyihiin oo loo noqdo (Marjac).
3-In la aqbalo imaatinka goobjoogayaal caalami ah.
4- In la qeexo hawsha guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Barlamanka iyo weliba guddiga issimada.
Waxa uu sheegay madaxweynuhu in dowlad ahaan aqbaleen saddex ka mida shuruuda musharaxiinta, halka qodobka haray uu sheegay in dastuurku awood u siinayo magacaabista guddiga.
‘’Magacaabida guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadkaa sharci ahaan dowladda ayaa iska leh, waa doorashadii afraad saddexdii doorasho ee hore dowladaha aya magacaabay” Ayu yiri Dr. Farole.
Waxa uu raacshay madaxweynuhu guddiga ay magacabeen inay xubno ka yihiin dad Puntland oo dhan laga yaqaano, islamarkaasina ay shaqaale dowladeed ku jirin inkastoo guddiyadii hore wasiiro iyo agaasimayal ku jiri jireen.
Xeerka anshaxa musharaxiinta in lagu daro qodobadda ayaa dowladu soo jeedisay (Code of Conduct).
Intaas ka dib ayuu xusay Dr. Farole inay diideen musharaxiintu qodobka guddiga oo ugu danbeyntii dhashay in musharaxiintu \
‘’Nasiib darro walaalahay, dad aan saaxiibo nahay, dad doonaya inay xilkan qabtaan iskugu jiray waxay diideen inay aqbalaan qodobka guddiga , waxay kaloo diideen arin dhaqanka Somalida aad ugu xun oo la iskugu gabyi jiray oo ahayd inaan qado sharaf maanta u samaynay halkan (Madaxtoyada)” ayuu yiri madaxweynuhu.
Hahadalkiisa ayuu ugu soo danbeysiiyay madaxweynaha Puntland inay shaqada guddigu socon doonto, amaanku suganyahy islamarkaasina sidii caadada ahayd doorashooyinku qabsoomi doonaan isagoona ugu baaqay cidi ay dhab ka tahay musharxnimadu inay ka soo qaybgasho.