Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Faroole oo Xalay Casho Sharaf u Sameeyey Isimada Puntland(Sawiro).

$
0
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyey qasriga Madaxtooyada Isimada Puntland .

Xaalada guud ee Dalka, Nabadgelyada iyo Doorashada Madaxtooyada ayaa ugu waa weynaa qodobadii kulanka lagu jeex jeexay iyadoo si guud la isula qaatay in si wada jir ah looga shaqeeyo amaanka isla markaana laga fogaado waxkasta oo carqaladayn kara jiritaanka Puntland.

Isimada ayaa ka hadlay waayihii kala duwanaa ee dalku soo maray iyo dhibaatadii ay u soo mareen dhismihiisii iyagoo hoosta ka xariiqay inaysan sinaba u aqbali doonin in Puntland la dumiyo.

Waxaa la isla qiray in dalku leeyahay cadowyo badan loona baahan yahay in si wada jir ah looga gaashaanto lana buuxiyo dulduleela kasta oo uu ka faa’iideysan karo iyadoo Isimadu ugu duceeyeen guud ahaan umada reer Puntland nabad iyo barwaaqo.

Doorashada Madaxtooyada 8 Jan, 2014 sidii ay ugu dhici lahayd si nabadgelyo ah loona dardar gelin lahaa habsami u socodka hawlaha doorashada la xiriira ayaa si gaar ah loo xusay.

Madaxweynaha iyo Musharaxiinta ayaa maalinimada beri u balansan kulan kaas oo ka dhici doona qasriga madaxtooyada waxaana lagu wadaa in lagu lafa guro doorashada Madaxtoooyada ee soo socota 8 Jan, 2014.

Isimo_10

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles