Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

C/qaadir Siidii “Ilaa 11 jeer ayay labadan beelood ku dagaalameen Gobolka Shabellaha Hoose”

$
0
0

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo fara geliso dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday deegaano ka tirsan Gobolka.

C/qaadir Siidii ayaa sheegay in labada beelood ee dagaalamaya ay marar badan ku dagaalameen deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu ugu baaqay inay si deg deg ah dagaalka u joojiyaan.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka codsaneynaa in dagaalada socda inay si dhaqse leh u soo fara geliso, ilaa 11-jeer ayay beelahan dagaalameen”ayuu yiri C/qaadir Siidii oo tilmaamay in dagaalada ku wada lug leeyihiin ciidamo ka tirsan dowladda oo labo dhinac kala ah.

Waxaa soo baxaya baaqyo ka imaanaya waxgaradka iyo odayaasha deegaanka oo ku aadan in colaadaha la joojiyo, iyadoo warar soo baxaya sheegayaan in wafdi ka socda dowladda ay isu diyaarinayaan inay u ambabaxaan deegaanada lagu dagaalamayo.

Gudoomiyaha degmada Marka Maxamed Cusmaan Yariisow ayaa iska fogeeyay eedeymo loo soo jeediyay isaga iyo Gudoomiyaha deegaanka Nambar 50 oo ahaa in dagaalada socda ku lug leeyihiin, hase ahaatee waxaa uu sheegay inuu u diray odayaal, waxgarad iyo culumaa’udiin inay kala dhex galaan labada dhinac ee dagaalamaya.

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa ku guuldareysatay inay wax ka qabato colaadaha soo noq noqday ee ka jira deegaanada Shabeelooyinka, halkaasoo bilooyinkii u dambeeyay ay ku dagaalamayeen beelo walaalo ah.

SIIDI


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles