Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Musharixiinta Puntland oo Madaxweyne Faroole ugu Baaqay in uu Hakiyo Shaqada Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

$
0
0

Musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland ayaa maanta shir ku yeeshay xaruunta PDRC ee Garoowe, shirka oo ay ka soo qayb-galeen musharixiinta u tartamaya madaxweynaha iyo ku xigeenka ayaa laga soo saaray baaq balaaran.

Musharax Cali Xaaji Warsame oo saxaafada u akhriyey natiijada shirkii musharixiinta, waxaa uu sheegay in wax badan la isla soo qaaday isla markaasna ay musharixiintu soo dhowayeen aqbalaadii madaxweynaha ee la kulanka musharixiinta.

Madaxweynaha ayey ugu baaqeen musharixiinta tartamaya in uu hakiyo shaqada guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee uu isagu magcaabay, iyagoo intaas ku daray inay muhiim tahay in la helo guddi isimo ah oo kor kala socda howsha guddiga xalinta khilaafaadka ee iman doona.

“Waxaan u aragnaa inay muhiim tahay in madaxweynuhu joojiyo shaqada guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee isagu magcaabay.” Ayaa lagu yiri baaqa musharixiinta tartamaya.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhowaan aqbalay in uu la kulmo musharixiinta tartamaya oo horay u codsaday inay shir la qaataan, balse madaxweynaha ayaa xusay in uu kula kulmi doono musharixiinta xaruunta madaxtooyada.

Musharixiinta ayaa ku baaqay in khilaafka jira lagu dhameeyo wada-hadal maalmo kooban gudahood, iyadoo aan xujo laga dhigayn madasha wada-hadalka ama fadhiga lagu shirayo, oo musharixiintu horay u sheegeen in ay noqoto PDRC halka madaxweynuhu isna ku casumay madaxtooyada.

sawir11


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369