Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Munaasabad Lagu Taageerayay R/wasaaraha Somaliya Oo Ka Dhacday Caabud Waaq

$
0
0

Munaasabad ay soo qaban qaabiyeen maamulka iyo qeybaha bushada ee ku dhaqan Degmada Caabud waaq, islamarkaana lagu muujiyay taageerada ay u hayaan R/wasaaraha Cusub C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayna ka qeyb galeen dhamaan bulshada halkaai ku nool ayaa lagu qabtay Degmada Caabud waaq ee Gobalka Galgaduud.

Dadkii ka qeyb galay munaasabada taageerada ah ayaa waxa ay sheegeen in ay si weyn u soo dhaweynayaan R/wasaaraha cusub, ayna diyaar u yihiin in xoojinta taageerada ay u hayaan dowaldda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo ku booriyay in shacabku ay la shaqeeyaan R/wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isna khadka telkoonka uga qeyb galay munaasabad lagu taageerayay magacaabistiiso ayaa sheegay in talaabadaasi ay tahay mid lagu farxo.

“Waxaan idinkaga mahadcelinayaa taageerada aad ii muujiseen waxaana idinkugu hambalyaynayaa sida ay idinkaga go’antahay in aad xoojisaan taageerada aad u haystaan Dowladda iyo in Soomaaliya ay gaarto horumar” ayuu R/wasaare C/weli hadalkiisa ku daray.

Maalmaha soo socda ayaa la qorsheynayaa in banaan bax nabadeed oo lagu taageerayo R/wasaaraha cusub uu ka dhaco degmada Caabud waaq ee gobolka Galgaduud.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369