Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Musharax Gaas oo Booqday dhaawacyadii Qaraxii Bosaaso ka dhacay,Halka Madaxweyne Faroole uu dalxiis ku maqanyahay(Sawiro).

$
0
0

Prof.C/weli Maxamed Cali Gaas oo Booqday Dhaawacyadii Qaraxii Bosaaso ka dhacay,Halka Madaxweynihii Maamulka Puntland uu Dalxiis ku maqan yahay.

Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqday Isbitaalka Boosaso oo ay ku suganyihiin Dadki ku dhawacmay Qaraxii arxandarada ahaa ee ay ka dhalatay Khasaaro Dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan.

Gaas wuxuu booqday isagoo ay wehlinayaan Dhakhatiirta iyo Maamulka Isbitaalka Qolal kamid ah Isbitaalka oo ay jifeen Dad badan oo qaarkood Caruur iyo Haween ahaa kuwaaso ku dhawacmay Qaraxii Malinimadii Khamiista ka dhacay Boosaso.

Musharax Gaas ayaa ka Dhagaystay Dadkii dhibanaha ahaa ee Isbitaalka jiifay Xaladooda Cafimaad isagoo Ilaahna uga Baryay in uu Caafimad siiyo.
Maamulka Isbitaalka ayuu ka dhagaystay Xaladaha Dhawacyadii ka dhashay Qaraxii Todobadkan ka dhacay Boosaso Dadkii Isbitaalka soo Gaaray iyo sida ay wax u qabeen Dadkaaso u badna Birimageydo.

Musharax Gaas wuxuu kaloo u kuur galay Xaladaha Isbitaalka iyo shaqadiisi Maalinlaha isagoo Maamulka iyo Shaqaalaha kala sheekaystay Howlaha adag ee ay Bulshada u hayan Maamulka Dhakhatiirta iyo Kalkaaliyasha Caafimadka.
intii uu ku sugna Isbitaalka Musharax Gaas wuxuu la kulmay una Mahadceliyay Dr. Mikko Altto oo u dhashay Dalka Finland Isla markana Muddo ku sugna Isbitaalka Boosaso si uu u Caawiyo Shacabka Reer Puntland ee u soo Baahi Caafimad doonta Isbitaalka.

Maamulka iyo Shaqalaha Isbitaalka ayaa Wafdigii Musharaxa ee Booqday Isbitaalka u sheegay in Altto u Daboolay Baahiyo Cafimaad oo dhibatooyin badan laga mari jiray kuwaaso ay Kamid yihiin Qaliinada mid kamid ah Xubabka sare ee Wadnaha.

Musharax Gaas oo Qaybaha saxafadda kula hadlay Isbitaalka Gudahiisa ayaa ugu Baaqay Shacabka Puntland ee Gudaha iyo Dibadda ku dhaqan in ay u soo Gurmadaan Bukanada Jiifa Isbitaalka ee Dhowaan Dhawacyo ka soo Gareen Qaraxii Boosaso.

Waxuu sheegay in uu la kulmay Dhakhatiir iyo Shaqaale Daacad ah Howl kar ah dhib badan iyo daruufo adag ku shaqeeya iyadoo warbixin lagu siiyay in ilaa 90 Qof shaqale gaaraya ay Isbitaalka Bandarqaasim ka shaqeyaan weyna ku Mahadsanyihiin howsha adag ee ay hayaan ayuu yiri.

wuxuu ku dhiirageliyay Maamulka iyo Shaqalaha Isbitaalka in ay ka Faidaystaan Dr Altto oo uu sheegay Musharaxa in uu ka soo jeedo Dal dhinacyo badan oo Cafimadka uu kamid yahay Horumar ka sameeyey .

” Waxan soo Booqday Dhaawaci Maalintii Daraad ku dhawacmay Qaraxii Boosaso Shaqo Fiican baa loo qabtay waa loo dadaalay Dhamanteena Marka ay dhibatadaaso kale dhacdo waa inaan Fadhiga ka wada kacno wada gurmano in Isbitaalka Dadka jooga Keliya lagu haleeyo ma ahan waa In la wada Gurmada oo qof kasta iyo Mushtamac ahanba waxan awoodno oo aan tari karno aan tarno waa Muhiim, Dad masaakin ah ayay u badanyihiin dad Xamalata ah ayay ahayeen Dadki Naftooda ku wayay iyo kuwa Dhaawaca qaybtood, in la taageero oo gacan la siiyo Dadkii ay ka tageen Dadkii Geeriyooday ayaa iyadana loo baahanyahay waxaa jirta in Dadkii Geeriyooday ay qaarkood Qoysas Danyar ah Hormuud u ahayeen loona baahanyahay in Dadkii ay ka tageen xaladooda laga war qabo”

wuxuu sheegay in Caafimadka uu Muhiimad gaar ah u leeyahay Bulshada loona baahanyahay Cafimaad wanaagsan Tayo leh Horumarsan in Bulshada ay hesho.

Xafiiska Warfaafinta Musharax Cabdiweli Maxamed.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamedx


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles