Sabti 7 Dec 2013…… Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta ay si diiran ugu soo dhoweyeen Magaalada Boosaso dadweyne aad u fara badan ayaa sheegay in Muhiimadda ay siinayan Rabitaanka shacabka.
Musharaxa ayaa Noqday Musharixii ugu horeeyey ee Degmooyinka iyo Tulooyinka Puntland ku hakada kulana hadla Dadweynaha ku dhaqan isagoo ka Xogwaraysanayay Xaladaha dadka ay ku Noolyihiin iyadoo dadweynaha ay Soo Bandhigeen Bahiyadooda adeegyada asasiga ah ee aan la gaarsin iyagoo Musharaxana u rajeyeey in uu Xilkaas ku Gulaysto si loo Daboolo Bahiyahooda Asasiga ee Wajibaadka Dowliga ah.
Degmooyinka Maanta uu Dadweynaha Fagarayaal kala hadlay Marka laga soo tago Bosaso waxaa kamid ahaa Degmada Waaciye, Dadweynaha reer Waaciye ayaa u sheegay Dr Gaas in uu noqday Musharixii ugu horeeyey ee Degmada Waaciye ku hakaday dadweynahana la hadlay.
“Geedkan Quraca ah ee aan hadda Taganahay Allaha u Naxariiste Cabdullahi Yusuf Cid ka Dambaysay oo Dadweynaha reer Carmo kula hadashay ma jiraan Madaxda Dowladihii Puntland soo marayna kama hayno wax Cadaalad ah waxan Doonayna Isbedel Cusub oo aan ku Baraarugno” sidaas waxaa Sheegtay mid kamid ah Hormuudka Ururka Haweenka Carmo oo la hadashay Wafdiga Musharaxa oo Fagaraha Beerta kula hadlay Dadweynaha Reer Carmo.
Musharaxa Madaxweyne ayaa u sheegay Dadweynihii uu la hadlayay Waxyabaha uu xogga saari doono Haddi uu u ku Gulaysto Madaxtinimada Puntland ” Isbedelka aad Raadinaysan Insha allah wuxuu ku Imaan doona si deg deg ah si Nabadgelyo ah wuxuu ku imaan doona sida aad Jeceshihiin Isbedelkas wuxuu Noqon doona Mid Cadaladda aad Raadinaysan iyo Horumarkaba aad ka heshaan” ayuu yiri Gaas
“Muwadiniinta Puntland waa in ay u simanyihiin Xuquuqda iyo Wajibaadka taasi waa Cadaladda Shaqsiga ah Adeegyada Dowladda ay bixinayso Haddi ay Noqon lahayd Waxbarashada Caafimadka, Biyaha, Jidadka iyo Amniga In Deeganada Puntland ay u simanyihiin oo Deegan Deegan ka sareeya usan jirin waa Waxa aan ku taamayo Haddan ku Gulaysto Hogganka Dalka” ayuu Gaas ka sheegay Degmada Carmo.
Dadweynaha Magaalada Bosaaso ayaa Maanta u Dareeray soo dhoweynta Musharax Gaas oo Safar dhanka Dhulka ah ku tagay Boosaso Dadkii ka horyimid oo watay Gadiid lagu Qiyaasay ilaa 300 In ka badan ayaa Muujiyay in ay Daneynayaan Isbedel Cusub iyagoo qaarkod ku dhawaqayay Erayo ay ku dhiiragelinayan Musharaxa, Isla markana ay ku Dalbanayaan in Hogganka Dalka uu qabto.
Musharaxa ayaa si Guud iyo mid midba u Salaamay Kumanan Qof oo ku soo Dhoweeyey Sabtidii Magaalada Boosaso.
“Waxaan idinkaga Mahadcelinaya Soo dhoweyntiina Qiimaha badan ee Xambsarsan Fariinta taaso ah Puntland waxay u baahantahay Isbedel hadda ah mid Berito ah ma ahan Isbedel Maanta ah ayay u Baahantahay Cod dheer baad ku tirahdeen Farintiina wey Cadahay Puntland wey u Muuqata Xildhibanada wey u muuqata Madaxda Haddana wey u Muuqata wey gaartay si Cad bey u gaartay” ayuu Gaas ku yiri Dadweyna aad u Daneynayay in uu la hadlo.
“Waxan Tacsi u diraya Dadkii Masakiinta ahaa ee Daraad lagu xasuuqay Magaalada Boosaso Dadkaaso ahaa qaarkood kuwa Noolashooda Raadsanayay ayna layeeen kooxaha Dhibta badan ee Sharwadayasha ah Iyaga sheektee Intii dhimatay Allaha u Naxaristo Gacan ka Xaq Daran ayaa dishay inta Dhawaca ahna waa inaan u gurmano, Wajibadka Dowliga ah waxaa kamid ah in Puntland wajibaadka kowaad ay leedahay uu yahay in la ilaaliyo Qofka Muwadinka ah ee Puntland in la Ilaaliyo Amnigiisa iyo Nolashiisa in la Ilaaliyo Maalkiisa la ilaaliyo Sharaftisa iyo Karamadiisa waa Qodobka Kowaad ee Dowladnimo” ayuu ku yiri Gaas Reer Boosaso
“Waxan u Bahanahay Isbedel dhab ah waxan u baahanahay Isbedel dhanka Dhaqaalaha ah waxan la socona in Dadka Puntland ku dhaqan 90% ay dhib ku tahay Maciishadi, Puntland waxaa ku yimid hoos u dhac Dhaqaale waxa ku yimid burbur dhaqaale haddan la daba qabana dhib badan ayaa ku imaan karta shacabka iyo Dowladnimada Puntland , Puntland waxay u baahantahay in Kabayeesha Dhaqaalaha Dib loo Yagleelo waxay u Bahantahay Jidadkii waxay u baantahay Garoomadii waxay u bahantahay Haykalki Dowladnimo ee ka Tarjumaya Rabitaankeena in si degdeg ah u hesho waxan u baahanahay Ilaheeni dhaqaale ee la Curyaamiyay sida Ganacsigii, Beerihii Kaluunkii, Macdantii Xoolahii in dib u habayn dhaqaale oo fiican lagu sameeyo Siyaasad Hufan ee Ganacsi iyo Dhaqaalana aan la nimadno si aan ula tartano Dadka kale ee Dariskeena ah”
” Waa Nasiib Daro Maanta Xoolaha laga dhoofinayo Dekadda Barbaro in Cooskiisa laga qaadayo Puntland”
Musharax Gaas ayaa ugu Dambayntii wuxuu ku Baaqay in loo baahanyahay Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo ku timada Isbedelka Dadka ay rabaan.
Xafiiska Warfaafinta Musharax Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
|