Qaar ka Mid ah Siyaasiyiinta,Nabadoonada,Aqoonyanada ,Waxgaradka iyo Ganacsatada Beelaha Dishiishe (Axmed Harti) ayaa Maanta Shir Jaraa”id oo ay Magaalada Bosaaso ku qabteen Waxay Kasoo Saareen Jawaab Celin Hadal Shalay Kasoo Yeeray Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane.Faroole.
Mudane.Faroole ayaa Warsaxaafadeed uu Gurigiisa Magaalada Garoowe Kasoo saarey ayuu ku yiri Beesha dishiishe(Axmed Harti) Iskuma soo sharixi karto Madaxweynaha,Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland,isagoona taas bedelkeeda ku sheegay inay xaq u leeyihiin Gudoomiyaha Gudiga Khilaafaadka Puntland.