Midowga Yurub ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku ammaanay sida uu u maareeyay codayntii uu kalsoonida ku waayay ra’iisul wasaaraha xafiiska ka tagaya, Cabdi Faarax Shirdoon.
Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Michele Cervone d’Urso ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka gudubtay caqabad siyaasadeed, wuxuuna tilmaamay in baarlamaanka iyo hoggaanka federal-ka ay muujiyeen mas’uuliyad, intii ay socotay codaynta.
Ra’iisul wasaaraha xafiiska ka tagaya, Cabdi Faarax Shirdoon ayuu ku bogaadiyay doorkiisa hoggaan iyo waxqabadka uu la yimid muddadii uu xafiiska joogay.
Wuxuu sheegay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay muujiyeen in dantooda ay ka horumarinayaan danta qaranka.
Michele Cervone ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay inuu sii wado taageerada uu siiyo dowladda iyo shacabka Soomaaliya.