$ 0 0 Madaxwaynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada,kuwaasoo ka kooban 8-xubnood. Guddiga uu Dr. Farole magacaabay waxay kala yihiin sida tan: 1:Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye 2:Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin 3:Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin 4:Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin. 5:Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin. 6:Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin. 7:Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin 8:Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn. Madaxwaynaha dowladda Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay sharci tahay in madaxwaynaha uu soo magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada,sidaasi darteedna aysan waxba ka jirin hadalada kasoo baxaya qaar ka mid ah murashaxiinta xilka madatxinimadda u tartamaya. Axmed Caydiid Agaasimaha Madaxtoyada ayaa saxafada u akhriyay digreetada.