Ra”iisulwasaarihii Hore ee Soomaaliya Mudane.Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo qoyskiisa oo ka kooban Xaaskiisa iyo Afar Caruur ah ayaa xalay Ka Guurey Xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Qoyska Ra’iisulwasaarihii Hore ayaa sida wararku sheegayaan Waxay u Guureen Hotel ka mid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho.
Waana Markii ugu horeysay ee la arko Masuul Soomaaliyeed oo Xilka ka Degay,isla Markaasna Ka Guurey Xarumaha Shacabka Soomaaliyeed,Waana Masuul Taariikhdu Xusi Doonto.