Shirweyne Mudo Labo Maalin ah uga socday Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari Beelaha Axmed Harti ayaa waxa laga soo saarey Shan Qodob oo ay ku Mideysan yihiin Beelahaasi.
Halkan ka Akhriso qodobada Laga Soo Saarey Shirka Beelaha Axmed Harti. |
Shirka ayaa waxa Ka Soo Qayb Galay Afar Beelood oo Kala Ah:-Beesha Dishiishe , Beesha Tiinle , Beesha Magan Labe , Beesha Gabtaanle Waxaana ShirKa Ka Maqna Beesha Akishe .Qorshaha Shirka:-1-Midnimada Iyo wax-wada qabsashada Beelaha Axmed Harti ee Moorcase.
2-Dhammaystirka go’ aamaddii shirarkii hore ee Beelaha. 3-Dardar-gelinta hawlaha dhaqanka iyo guddiyada Beelaha. 4-Habsami u wada noolaanshaha Beelaha Axmed Harti iyo dhammaan beelaha walaalaha ee Punt-land Go’aamadii Shirka Kasoo Baxay:- 1-In midnimada beelaha Axmed Harti ay tahay Muqadas lama taabtaan ah 2-In wacyigelin loo sameeyo dhammaan deegaamada Beelaha Axmed Harti 3-In guddiga Beelahu sii laba jibbaaro hawlahii loo idmaday Waxaa la go’ aamiyey in la qabto shirwayne ay ka soo qaybgalaan dhammaan Bulshada qaybaheeda kala duwan dalka iyo dibaddaba sanadka 2014-ka. In dib loo cammiro, dhammaan deegaanada Beelaha Axmed Harti loona dhammaystiro adeegyada Bulshada sida Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Korontada Iwm. Iyadoo lala kaashanayo jaaliyadaha dibadda ee u dhashay beelaha Axmed Harti In dhiddibada loo adkeeyo xiriirka Beelaha Axmed Hari (Mooracase) ay la leeyihiin dhammaan Beelaha walaalahooda Puntland. Talo soo jeedin: Beelaha Axmed Harti (Mooracase) waxay talo kusoo jeedinayaan: Adkaynta iyo xoojinta nabad ku-wada noolaanshaha Bulshada Punt-land oo dhan In wixii khilaaf ah ee dhexyaal dhammaan Beelaha Punt-land lagu dhammaystiro wada hadal iyo wada tashi. Waxaan maamulka iyo Beelaha Punt-land ugu baaqaynaa in doorashooyinka Puntland ee 2014-ka ay u dhacdo si xalaal ah oo Ay nabadgelyo ku salaysan tahay In Isimada Punt-land si gaar ah isaga xil saaraan habsami u maamulidda qabsoomidda doorasho lagu wada kalsoon yahay Beelaha Axmed Harti waxay ahayeen beelihii saldhiga uu ahaa Asaaskii Dowladdii Laga Yagleelay Puntland Tariikhdu Markay Ahayd 1998 isla Markaasna Soo Dhaweeyay Dhamaan Beelihii Ka Qayb Galay Dhismaha Dowladda Puntland Isla markaasna beelaha axmed harti ma aysan helin xuquuqdoodi ay ku lahayeen Dowladda Puntland Tacsi: Waxaa dhammaan kasoo qaybgalayaasha shirka Beesha Axmed Harti (Mooracase) ay tacsi u dirayaan dhammaan eheladii dadkii ku dhintay iyo hantidii mood iyo noolba lahayd ee ku luntay roobabkii dhowaan ka da’ay deegaamada Punt-land qaarkood. Islamarkaasna, waxaay ugu baaqayaan maamulka Puntland, Bulshada qaybaheeda kala duwan, hay’adaha dawliga ah kuwa maxalliga, in la taageero dadkaas, lana gaarsiiyo hantida loogu deeqay dal iyo dibadba Waxaa Kale oo beesha Axmed Harti u tacsiyaynaysa umadi Soomaliyeed ee uu Fatahada Wabiga Shabeele uu u Gaystay Khasara Badan oo isugu Jira Naf iyo Maalba . Gurtida Baaqa: 1-Ugaas Xasan Ugaas Yaasin 2-Ugaas Maxamed Siciid Ugaas 3-Ugaas Cumar Maxamed Kabtan 4-Ugaas Cabdi Salaam Faarax Ciise 5-Garaad Maxamed Adan Finiin 6-Caaqil Cali Cabdi Cali ( Cali Madax ) 7-Caaqil Cusmaan ismaciil Barre 8-Caaqil Warsame Muuse Yuusuf 9-Caaqil Cabdulaahi Cawad Cali 10. Caaqil Axmed Maxamed Kabtan 11. Nabadoon Cabdulqaadir Axmed ibraahim 12. Nabadoon Ciise Jaamac Faarax 13. Nabadoon Axmed Maxamuud Qaal 14. Nabadoon Maxamed Saalax Yuusuf 15. Nabadoon Carab Maxamed Jaamac 16. Nabadoon Yaasin Maxamed Maxamuud 17. Nabadon Yaasin Yuusuf Siciid 18. Sheekh Axmed Cabdulaahi Cali 19. Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Haruun 20. Sheekh Cabdulqaadir Maxamed Qorax 21. Sheekh Cabdirixmaan Yaasin Siciid 22. Ganacsade Cuumar Ismaciil Waaberi 23. Ganacsade Cabdiladiif Yuusuf Barre 24. Ganacsade Khaliil Maxamed Jaamac 25. Ganacsade Siciid Mire Maxamuud 26. Ganacsade Cabdulaahi ibraahim 27. Ganacsade Cabdikariin Ugaas Maxamed 28. Aqoon Yahan Dr Cabdulqaadir Siciid Cali 29. Aqoon Yahan Dr Cabdulqaadir Axmed Siciid 30. Aqoon Yahan Eng Warfaa Axmed Cali 31 . Aqoon Yahan Eng ismaciil Maxamuud Yuusuf 32 . Aqoon Yahan Eng Abdishakuur Abdulaahi Saalax 33. Aqoon Yahan Eng Siciid Maxamed Saalax 34. Aqoon Yahan Cabdulaahi Cali Maxamed . |
↧
Qodobo Muhiim Ah oo Laga Soo Saarey Shir ay Magaalada Bosaaso ku Yeesheen Beelaha Axmed Harti(Sawiro).
↧