Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Gudoomiye Kumeel Gaar Ah oo Loo Magacaabay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya .

$
0
0

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa u magacaabay si KMG gudoomiyaha Bangiga dhexe Bashiir Ciise Cali oo horey xilkan u soo qabtay dowladihii KMG ahaa ee Cabdilaahi Yuusuf iyo Shiikh Shariif.

Gudoomiyihii Bangiga hore Yusur Abraar ayaa xilkan iska casishay bil ka hor, ka dib muddo kooban oo ay haysay, waxana timid baahida loo qabo in la magacaabo gudoomiye cusub iyo cadaadis beesha caalamka ka yimid.

DF Somalia oo lacago badan caalamku u balanqaaday ayaa laga cabsi qabaa halka ay mari doonaan hadii gacanta loo gasho maadaama aysan jirin awood badan iyo weliba cid ka soo bixi karta jagada ugu sareysa lacagta Somalia.

Ninkan oo khabiir dhanka maaliyada ah ayaa tan iyo dowladii kacaanka ka shaqeynayay, waxana magacaabay AHN Cabdulahi Yusuf, isagoona xilka iska casilay ka dib markii ay is qabteen Shariif Xasan oo wasiir maaliyadeed ka ahaa xukumaddi Cumar Cabdirashiid.

Lacago DFKMG ay Sudan ka soo daabici lahayd ayaa muranka dhalisay, iyadoona uu ku taliyay inan dalka la keenin.

Inkastoo khilaaf uu ka dhaxeeyo laba xafiis ee dalka ugu sareeya haddana waxa ilo wareedyo Muqdisho ku sugan sheegayaan in lagu ansixin doono Bashiir Ciise Shirka wasiiradda ee maalinka beri.

Gudoomiyihii ka horeeyay Yusur Abraar aya musuqmaasuq lagu eedeeyay xilka looga qaaday.

Laamaha maaliyaded ee xukuumadda Muqdisho ayaa Qaramada Midoobay ku sheegtay kuwo uu hareeyay musuq maasuq baahsan iyo ku takrifal xoolaha umadda ka dhaxeeya.

bank1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369