Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dr.Faroole Nocholas Kay oo Saxaafada Si wada jir ah ula hadlay kulan dheer ka dib(Sawiro).

$
0
0
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Farole iyo Ergayga Qaramada Midoobay Somalia

Nicholas Kay ayaa ka dib kulan ay ku yeesheen Madaxtoyada magaalada Garowe ka dib saxaafada si

wadajir ah uga hadleen waxyaabihii ay ka wada hadleen.

9_28

 

Dr. Farole ayaa sheegay inay isla soo qaadeen Mr. Kay qodobo ay ka mid yihiin doorashooyinka Puntland, Amaanka, siyaasada Somalia iyo xaalada taagan ee gurmadka dadka dhibaatado ka soo gaartay musibadii todobaadkii tagay dhacday.

Waxa uu ku daray madaxweyne Farole inay u gudbiyeen Qaramada Madoobay in si nabadgelyo ah u dhici doonaan doorashooyinka Puntland ee la filayo Jan, 2014.

Haaatan waxa socda xulista issimada ee mudanayasha Barlamanka.

Nicholas Kay ayaa tacsi u direy dadweynaha  Puntland oo ku aadan duufanti dhacday, waxana uu sheegay in beesha caalamku u taagantahay sidii ay caawimaad u gaarsiin lahayd dadka waxyeeladu ka soo gaartay.

Waxa qorshaha ku jira in dib u deign iyo xoolo loo aruuriyo dadka ku cayroobay duufanta sida uu sheegay Kay.

Doorashooyinka iyo hanaanka loo marayo ayuu xusay inay kawada hadleen Farole oo si wanaagsan uga qanciyay habsami u socodka qaabka u dhacayso doorashadu, iyadoona uu raacshay in haweenku kaalin ku yeelan doonan kuraasta Barlamanka.

Waxa ku sugan Puntland haatan u qaybsanaha Qaramada Midoobey gargaarka  bini’aadanimo Somalia Philippe Lazzarini oo u kuurgalaya isna xaalada iyo dhibka dhacay inta uu gaarsiisanyahay.

Saddex beri ayuu ku sugnaan doona Mr. Kay Puntland oo tagi doona goobo kala duwan.

Xigasho:Xafiiska Madaxweynaha Dowlada Puntland.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles