Waxaa maalintii labaad galay shir madaxeedka Carabta iyo Afrika oo ka socda magaalada Kuwait City ee dalka Kuwait, kaasoo ay ka qeyb galayaan madaxda in ka badan 50-dal oo Carab iyo Afrikaan ah.
Shirkan oo maanta la soo gaba gabeyn doono ayaa la filayaa in laga soo saaro bayaan loogu magac daray Bayaankii Kuwait oo laga soo saarayo qodobo quseeya Soomaaliya iyo maal gashiga.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari ayaa Soomaaliya uga qeyb galaya shirka, kadib markii uu ka baaqday Madaxweyne Xasan Sheekh sababo la xiriira arrimaha khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.





