Waxaa wali socda gurmadka balaaran oo loogu jiro sidii loo caawin lahaa dadka ku cayroobay roobabkii duufaanta watay ee todobaadkii hore ka da’ay qaybo ka mid ah Gobaladda Nugaal,Karkaar iyo Bari.Deeq iskugu jirta lacag iyo raashin iyo agabyo kale oo ay soo dhiibeen shacabka ku nool magaalada Laascaanood ayaa waxa lagu wareejiyay guddiga culimadda taakulaynta dadka masiibaddu haleeshay, waxana gacanta usoo galiyay Guddi kale oo ka dhisan Gobalka Sool oo uu madax u yahay Shiikh Axmed Maxamed Sulaybaan.
Munaasibadda deeqdaasi ay culimadda kula wareegayeen oo ka dhacday masaajidka Al-hudaa ee Garowe ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay Shiikh Axmed Maxamed, wuxuuna sheegay deeqdaan oo ka timi shacabka Sool inay iskugu jirto maacuun, dhar, bustayaal, bacaha guryaha laga dhisto iyo lacag dhan $26.000 kun oo doollar, wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay sidii loo caawin lahaa dadka ay saamaynta ku yeelatay roobabkii ka da’ay Gobalka Nugaal.
Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo madax u ah guddiga culimadda taakulaynta dadka tabaalaysan ayaa sheegay inay aad ugu farxeen deeqda ka timi shacabka Sool, wuxuna raacshay inay wax badan u qaban doonto dadka ku cayroobay duufaantii xeebaha iyo dhulka godan ka dhacday.
Waxa uu sheegay kaalmadda ka soo gaartay Gobalka Sool inay ku wareejin doonan qoysaska u baahan,wuxuna sidoo kale xusay Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Saddex gaari oo kaalmo ah inay ka timi dadka ku nool magalada Qardho isla markasna ay mar hore gaartay degmada Dongorayo oo ah xudunta gurmadka.
![6_34]()
|