Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dhageyso: Axmed Karaash ” Aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland waxaan udiyaar garoobaynaa xoraynta Laascaano”.

$
0
0

517Axmed Cismaam Cilmi Karaaash oo kamid ah madaxweynayaasha maamulka Khaatuma ayaa sheegay inay meel fiican u marayaan wada hadaladii  u dhexeeyay iyaga iyo waftiga madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland General Cabdi Samad Cali Shirre oo in kabadan 10 cisho ku sugan Taleex.

Axmed Karaash ayaa sheegay inay meel gabagabo ah u marayaan dhameystirka ciidamo ku kala sugan gobolka Sool oo loo diyaraanayo inay dib u qabsadaan magaalada Laascaano oo in kabadan 7 sano gacanta ugu jirta Soomaaliland.

Halkan ka Dhegayso Waraysiga Axmed Karaash.

Wareysi uu siiyay warbaahinada ayuu beeniyay inuu degmada Bocame oo uu haatan ku sugan yahay u tagay soo celinta gawaari ciidan oo lagala goostay dhawaan.

Axmed Karaash oo wax laga weydiiyay halka uu marayo qilaaf soo kala dhex galay madaxda maamulka Qaatuma ayuu sheegay in loo kala qeybsamay Qaatuma iyo Qiyaano.

Kooxda G12  oo ay ku jiraan Madaxda kale ee Khaatuma iyo rag uu kamid yahay Cali Qaliif Galayr  ayuu ku eedeeyay inay kasoo horjeedaan socdaalka madaxweyne ku xigeenka Puntland uu ku joogo gobolka Sool. Wuxuuna tilmaamay inay abaabulayaan qorshayaal ciidan oo ka dhan ah waftiga Puntland ee Taleex ku sugan. Isagoona  arintaan ku tilmaamay wax lala yaabo .

Dhinaca kale C/Samad Cali Shirre oo haatan ku sugan degmada Bocame ayaa lagu wadaa inuu goor dhow dib ugusoo laabto Garowe , Waxaana la sheegay inay meel gabagabo u marayaan kulamadiisii.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369