Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka ayaa waxa maanta ka fumay shirweynaha saddexaad ee la-dagaalanka burcad badeeda, waxana soo qaban qaabisay dowladda Imaaraadka.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamed Faroole iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay shirka Burcad badeedka looga hadlayo.
Wafdiga Dowlada Puntland uga qeybgalay shirka ayaa waxa ka mid ahaa Wasiirka Dekedaha Gaadiidka Badda iyo La Dagaalanka Burcad Badeeda Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage ,Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowlada Hoose Gen.C/laahi Jaamac Ilka Jiir iyo weliba wasiirka Caafimaadka ee Dowlada Puntland Dr.Cali C/laahi Warsame.
Dowlada Puntland ayaa ah hogaamiyaha la dagaalanka Burcad badeedka ee Maamulada ka jira dalka Soomaaliya,waana sababta keentay in Shir Caalami ah si Gaar ah Loogu Casumo.