Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Wafdi uu Hogaaminayo Axmed Madoobe oo Muqdisho Gaarey.

$
0
0

Wafdi uu hogaaminayo Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa goor dhowayd  ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, halkaasoo si diiran ay ugu soo dhoweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe loo galbin doono Madaxtooyada, oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa maalmo ka hor ka sheegay magaalada Kismaayo inuu tagi doono magaalada Muqdisho, isla markaana Madaxweynaha uu isna imaanayo Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubba ayaa dhowaan heshiis ku gaaray magaalada Addis Ababa, waxaana qodobo qaar heshiiska ahaa in Axmed Madoobe labo sano si KMG ah u hogaamiyo Jubooyinka iyo in dekeda iyo Air Porka lix bilood maamulo kadibna lagu soo wareejiyo dowladda.

Lama oga inta uu joogi doono Axmed Madoobe magaalada Muqdisho, sidoo kale waxaa lagu wadaa in Muqdisho lagu qabto shirweyne dib u heshiisiin oo looga hadlayo arrimaha Jubooyinka, halka shir kalena uu ka dhici doono Kismaayo.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369