Wararkii Ugu Dameeyey ee qaraxyo maanta ka dhacay nawaaxiga Gurigii Hooyooyinka oo ku taal Maqaayada The Village ayaa waxay sheegayaan in Khasaare fara badan uu ka dhashay qaraxa oo mid ka mid ah uu ahaa ruux isa soo miidaamiyay.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxa hore oo ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay goob baabuurta la dhigto oo ku taal dhabarka dambe ee Maqaayada The Village oo ah halka lagu magacaabo Barxada Iskaashatooyinka, halkaasoo gawaari badan ku bur bureen.
Qof goob jooge ah ayaa sheegay inuu arkay qof sii ordayay markii uu gaariga qarxay, dabadeedna dad meel ku xoonsanaa uu isku qarxiyay, halkaasoo aheyd goobta ugu badan ee ay ka dhalatay dhimashada ugu badan.
Mudane ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Xiis Cabdulaahi oo ku sugnaa maqaaxida The Village ayaa sheegay in hal meel uu ku arkay dhimashada ilaa toban ruux oo labo ka mid ah ay haweeney aheyd.
Saraakiisha Booliska ayaa sheegaya in qaraxa labaad uu ahaa qof xirnaa suumanka qarxa oo markii qaraxii weynaa ee gaariga dhacay goobtana ay ku soo xoomeen dad fara badan uu is qarxiyay.
In ka badan 10-ruux ayaa ku dhimatay qaraxa, halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacmeen, iyadoo gawaarida ambalaasta ay qaadeen dad fara badan oo dhaawac ahaa, kuwaasoo ka mid ahaa dadkii maqaatada ku jiray.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo goor dhow ka hadlayay shir looga hadlayay Xagjirnimada oo ka furmay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in dad aan waxba galabsan la laayo, isagoo tilmaamay in ilaa 14-ruux ay ku dhinteen.
Wakaaladaha wararka ayaa qoraya in qaraxyada bartilmaameedkooda ahaa Maqaayada caanka ah ee The Village oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15-ruux, halka dhaawaca intaa ka badan yahay.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda, iyadoo goobta wax ka dhaceen ay gaareen mas’uuliyiin iyo wariyeyaal.
Inta badan dadka doonaya inay maqaayada The Village galaan ayaa la sheegaa inay marka hore dhigtaan baabuurta banaanka barxada ka soo horjeeda Ex Fiyoore ee loo yaqaano Iskaashatada.
Wadada ayaa ah mid iminka xiran, waxaana goobta soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, iyadoo goobta qaraxyada ka dhaceen ay ka muuqdaan raadadka qasaaraha oo ah gawaari gubtay, dhiig iyo hilbo dad go’ go’ay.
Bishii September ee sanadkii 2012 ayay aheyd markii weeraro qaraxyo ah oo lagu qaaday Maqaayada The Village oo ay ku jireen wariyeyaal iyo dad kale, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 20-ruux, iyadoo weerarkan maanta uu u muuqdo mid lagu soo beegay sanad kadib weerarkii ka dhacay maqaayada.