Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Putin oo diiday eedeynta Mareykanka ee dowlada Syria.

$
0
0

kremlin-ru_photo-12023Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in eedeymaha Mareykanka ee ah in Suuriya ay isticmaashay hub kiimiko ah ku tilmaamay in aanay micno sameyneyn.

Mr Putin waxa uu sheegay in haddii ay Washington hasyo wax xaqiiqo ah ay caddeyso eedeymaha, isla markaana ay soo hor dhigto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

 Hadalkan ayaa ku soo beegmaya maalin kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Waddanka Mareykanka John Kerry uu sheegay in Mareykanku og yahay cidda qaaday, goobta uu ka dhacay iyo xilliga la qaaday weerarka la sheegay in loo isticmaalay hubka kiimikada ee dalka Suuriya.

Mr Kerry waxa uu sheegay in ugu yaraan 1,429 Suuriyaan ah lagu dilay weerarkaasi.

Waxa uu sheegay in xogta sirdoonku ay muujineyso in ciidan Suuriya ay joogeen goobta saddex maalmood ka hor, oo ay isu diyaarinayeen weerarka.

Waxa uu sheegay inay ka jawaabayaan wax uu ugu yeeray danbi ka dhan ah bini’aadanimada.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles