Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Ururka Nabadda iyo Cadaaladda oo soo dhaweeyay Heshiiska Dowlada Soomaaliya iyo Jubaland.

$
0
0

Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Nabadda,midnimadda iyo Cadaaladda codka inta damiirka nool,dareenka wadaniyadeed iyo karaamadda somaaliyeed leh, gunimadda iyo gumeeysi hoos joogida diidan, dagaal, colaad, dhiig daata, naceeyb, fidnimo iyo dad kala fogeenta diidan,dhaqan qabyaaladeedka, eexdda, dhaqanka kooxeeysiga cadoownimadu ka dameeyso,kala qoqobnaanta dhulka iyo dadkaba,maamul xumadda, xatooyadda (dhaca Hantidda) cadaalad darada, garsoor xumadda iyo garsoor la’aanta diidan, argagxisada, dilalak qorsheeysan-ugaasrigga dadka qiimaha qaran leh iyo guud ahaanba hababka fadhiidnimadda ah diidan, waxaanu qormadan ku  soo gudbineeynaa bayaanka ama war-saxaafadeedka Ururkadhaq- dhaqaaqa Somaaliyeed:-

 

1-Urur ahaan waxaanu si diiran u soo dhoweeyneeynaa heshiiska danta guud,maslaxada somaaliyeed iyo dadladnimada ku saleeysan dhex maray Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbooyinka,runtii waa talaabo dhanka wanaaga loo qaaday,aqoonsiga maamulka Jubba ayaa guul weyn u ah guud ahaanba ummadda somaaliyeed intooda nabadda, horumarka,midnimada iyo hirgelinta hanaanka federaalka jaceyl si gaar ah ahamiyad weyn u leh bulshada reer J/Land oo muddo dheer dhibaatooyin wajiyo kala duwan leh la soo kulmay- dagaalo,colaado,fidnimo,dad kala fogeeyn iyo culeeyskii kuwa nabad iyo nool diidka ah,aqoonsiga maamulkooda ayaa ah iftiin aayatiin mustaqbal leh,sidoo kale heshiiskan ayaa dowladda u ah guul iyo hanashada wada shaqeyn jubbaland,waana wadadii hirgelinta hanaanka federaalka dastuurku qeexay(guul weyn).

 

2-Urur ahaan waxaanu u aragnaa mudadii sanadka ahaa dowladu jirteen in arrimihii ugu muhiimsanaa laga gaabiyeey sidda:-

 

A-Sugidda Amaanka Caasimadda iyo Goboladaba.

 

B-Hanaanka iyo Habka Cadaaladda.

 

C-Xoreeynta Degaamada weli gacanta ugu jira kooxda Shabaabka.

 

D-Lunsashadda hantidda (xatooyadda).

 

E-Abuuridda Colaado,dagaal iyo xiisado bulshada sii kala ogeeyeey.

 

F-Fashilaada Maamuladda KMG ah Goboladda qaarkood laga dhisay oo noqday kuwo fadhiid ah(dhibaatooyin badan abuuray).

 

H-Balan-qaadyadii Madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud oo aan waxba ka hirgelin(niyad jab weyn).

 

G-Ku xadgudubka xuquuq insaanka oo sii batay(gaar ahaan arr. naxdiinteeda iyo gunimadeeda leh-Kafsigga Haweenka).

 

I-Dayaca,daryeel la’aanta iyo ka gaabibta taakuleeynta iyo gar-gaar u fidiinta:-Agoomaha,Naafadda iyo barakacsanayaasha.

 

J-Barlamaanka federaalka oo fadhiid noqday gaar ahaan:- Gudoonka iyo Gudiyadda joogtadda ah siiba:-Gudigga Cadaaladda,

Gudigga Arr.Gudaha iyo Amnigga,Gudigga Gaashaandhigga, Gudigga Arr, Debedda, Gudiiga Dastuurka iyo arr,Federaalka,Gudigga Arr. Maaliyadda iyo Dhaqaalaha,Gudigga Arr.Bulshadda(golaha noqday goob isbaaro u taal kooxo dano gaar ah fuliya).

 

K-Xumaanta xiriirkii iyo wada shaqeyntii dowlada iyo maamulada Jirra sida-PL,Galmudug, Ximin iyo Xeeb, Khaatumo, Ehlu Sunna iyo Qeybo badan oo hogaamiyaasha bulshadda ka mid ah(Isimadda).

 

L-Maamul xumadda,musuq-maasiqa, laaluusha, eexdda iyo dhaqan Qabyaaladeedka oo si weyn ugu faafaan hanaanka maamulka iyo xil u dhiibidda shakhsiyaad dano gaar ahaaneed lagu xulo, ceeb iyo fadeexad weyna ku ah maamulka jirra(Dowladda).

 

M-Waxaa si cad u fashilan Wasaaradda arr.gudaha,wasaaradda Cadaaladda, wasaaradda gaashaandhigga iyo Maaliyadda.

 

3-Urur ahaan waxaanu soo dhoweeyneeynaa bayaanada, qeylo dhaanta iyo war-saxaafadeedka ururadda siyaasadeed soo saaran kuna saabsan wax qabad yarida, maamul xumadda iyo ka gaabinta habkii wanaagsanaa ee xil gudashada (Dowlada Federaalka) eey soo saareen Ururadda:- Dalka, Nabadda iyo Horumarka iyo ururka Sahal iyo Siyaasiiyiinta caanka ah dhammaantood dhaliilay hanaanka iyo hab socodka shaqdda dowladda federaalka (Sanadka ku tilmaamay mid qasaaray ama ummadda somaaliyeed ka lumay), urur ahaan si ka duwaan ayaanu u dhigeeynaa oo ah dhaliiluhu kuwo toosiin iyo tallo bixiin ah loona baahan yahay in dowladu niyad sami iyo caqli,aragti fiyooow iyo dareen somaalinimo u qaataan oo ku saxaan waxyaabaha badan oo dhaliilaha,qalooca iyo habka qalafsan ku saleeysan (toosinta u baahan) golaha wasiiradda ayaa dib u eegid iyo sixitaan u baahan iyo in laga safeeyo kuwa xilkii qaran dayacay dowladnimadda ceebta ku ah.

-Ustaad-Xassan C/Laahi Sh.Maxamed(Xassan Carab)-

-Afhayeenka Guud Ururka Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed

Nabadda,Midnimadda Iyo Cadaaladda.

-Sep 01-2013.

bayaan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369