Wasaarada Amniga Puntland ayaa maanta soo saartay amaro hor leh oo qayb ka ah nabadgelyada iyo adkaynta amaanka deeganada Puntland, ka dib kulan balaaran oo ka dhacay magaalada Garowe kaasi oo ay qayb ka ahaayeen wasaarada gaadiidka iyo taliyaasha laamaha kala duwan ee amniga.
Wasiirka Amniga Khaliif Ciise Mudan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay mamnuuc ka tahay Puntland adeegsiga gaadiidka dadweynaha ee dhanka wadada albaabka ku leh, isagoona siiyay ilaa 10 Septemper u qabtay inay uga badalaan qaabka ay haatan ku shaqeeyaan.
Waxa uu raaciyay wasiirku in ruqsada laga xayuubin doono islamarkaasina gaariga la cashuurayo cida aan fulin amarkan ka soo baxay wasaarada amniga.
Sidoo kale Gaadiidka aan lahayd Taarikada ama lanbarka ayaa laga mamnuucay deeganada Puntland, iyadoona lagu wargeliyay laamaha kala duwan inay xareeyaan gaariga lagu qabto isagoo aan lahayn calaamada Taarikada.
Baabuurta dowladda xiliyada habeenkiii ayaa iyagana la xadiday socodkooda.
Ugu danbeyntii waxa uu ka digay wasiirku gaadiidka bacda madow (Beersalka) lagu xidho muraayadaha, isagoona sheegay in ganaax lacageed laga qaadi doono cidii jebisa amarkaasi.
Shilal ayaa ka dhacay Puntland oo ku saabsan gaadiidka PL-ka loo yaqaano kaasi oo dhanka laamiga dadka adeegsada u degaan ayna sababtay dhibaatooyin dhaawac ugu fududyahay.
Source:Warbaahinta Dowlada Puntland.