Ra’iisal wasaarah dalka Turkey al Sayyid Rajjeb Dayyib Erdogan ayaa ilmo ceshan waayey ka dib markii asagoo si toos ah waraysi uga bixinaya TV ka mid ah kuwa dalka Turkey uu daawaday cajalad uu Aabe reer Massar ah gabadhiisii yarayd ee lagu diley xasuuqii Rabaac Al Cadaawiyaha uu arkay. Erdogan ayaa sheegay inuu ka xanuunsaday gabadha yar ee Saqiirka ah taasoo uu dhalay hogaamiyaha ururka walalaha midoobey Maxamed Badiic la toogtay.
Markii uu dhagaysatay codka aabaha ayuu aamusay mudo daqiiqado ah, kadibna waxaa soo dhaaftay ilin, wuxuuna yidhi sidan””M ahaysto wakhti aan la wadaago caruurtayda, waxaan gurigeyga tagaa labada ama kowda habeenimo ”’, Waxaan u arkaa caruurteyda warqada Al Badicii u qoray gabadhiisa la diley”, ” Macnaha Aabenimo waxay tusaale u tahay tan oo kale, waxaan rajeynayaa in dunida Muslimku arintan u tahay muuqaal dhab ah iyo dhalinta Islaamkaba”. waa cashar iska cad” ayuu yiri Sayyed Erdogan.
”’ Uma hadlayo Ra’iisal wasaare ahaan hada, waxaan u hadlayaa sidii muwaadin oo kale, waxaan Allaah ka baryayaa inuusan damacooda ogolaan kuwa doonaya inay midnimadeena kala jabiyaan”’
Wuxuu hadalkiisa ku sii ladhay isla waraysigan tvgaan oo lagu magacaabo Ülke TV in marka uu arkay sawirada caruurta, haweenka iyo da’yarta lagu xasuuqay Kiimikada sunta ah ee Syria uu xejin waayey hurdadii, ilmada ma joojin karo ayuu yidhi markaan arkay dhalaankeenii yar yaraa ee Muslimiinta ahaa oo lagu xasuuqayo hub aan Aadanaha loo quudhin.
Balse waa isku mid waxa ka dhacaya Massar iyo Syria waxaan dalbanay shir looga hadlayo arinta Massar oo ku aadan in la joojiyo xasuuqa dadka aan waxba galabsan, ”Iskaadaa shire ay yeeshaana xataa lama canbaareyn” ayuu hadalkiisa ku afmeeray Dr Erdogan.
Shacabka Islaamka ayaa u arka hogaamiyaha Turkey ninka keliya ee daacada ka ah arimaha Islaamka, isla markaana gabood falada lagula kacayo shucuubta islaamka ee keligood talisyadu ku kacaan si geesinimo iyo gabasho la’aan ah u canbaareeya.