Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Toddoba Al-Shabaab Ah oo lagu diley Gudaha Magaalada Kismaayo.

$
0
0

Toddoba qof oo ka tirsanayd maleeshiyada Al-Shabaab ayaa shalay lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaddib markii ay weerareen xarun ay ku sugnaayeen ciidanka AMISOM ee garoonka diyaadaha Kismaayo.

War-saxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in la gubay gawaari ay wateen maleeshiyada, isla markaana laga qabsaday gawaari la sheegay in laga soo xaday hay’ado aan dowli ahayn oo gudaha ka shaqeeya, dawo, dharka ciidanka militariga iyo qalab kale.

Ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa lagu sheegay war-saxafadeedka inay sii wadi doonaan dagaalllada lagula jiro Al-Shabaab ee lagu xaqiijinayo ammaanka.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa labadii October ee sanadkii hore maleeshiyada Al-Shabaab ka saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

kismaayoAargada1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles