Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in Haweeneydii Swedish aheyd la rabay in la afduubto.

$
0
0

Ridwaan-HajiAfhayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay saddex ka mid ah kooxihii weeraray Haweeneydii u dhalatay Swedish oo maalin ka hor lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli ayaa sheegay inay ku raad joogaan labo kale oo ku lug lahaa weerarkan, isagoo tilmaamay in falkii dhowaan dhacay aanu aheyn mid Shabaab ay soo abaabushay.

“Waxaa uu ahaa fal weerar ee la rabay in lagu afduubtay, saddex ruux oo dadkii weerarka ka dambeeyay ayaa qabanay, labo kalena waa ku raad-joognaa”ayuu yiri Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Afhayeenka Xukuumada ayaa qiray inay jiraan falal amni daro ka jira Muqdisho, hase ahaatee aanay caqabad ku keeni doonin dadaalada dowladda wado ee sugida ammaanka.

Hadalkan ka soo yeeray Afhayeenka Xukuumada ayaa imaanaya xilli Maalin ka hor nawaaxiga Isgoyska KM4 lagu dhaawacay Haweeney Swedish aheyd, halka lagu dilay nin Turjubaan Somali Swedish ahaa iyo nin kale oo Ilaalo ahaa, iyadoo weerarkan ay geysteen rag ku labeysan dharka milateriga.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10373

Trending Articles