Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dabley Hubaysan oo Muqdisho Gabar Cadaan Ah ku Dhaawacay, Labo ilaaladeedii Ahna dilay.

$
0
0

Dabley Hubeysan ayaa duhurnimadii maanta gabar Cadaan ah ku dhaawacay degmada Hodan, iyagoo dilay labo ka mid ah ilaaladii la socotay, xilli ay ka soo baxday mid ka mid ah jaamacadaha ku yaala magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerarkan, waxaana gabadha Ajnabiga la sheegayaa inay u dhalatay dalka Sweden, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin.

Wararka ayaa sheegaya in gabadha ay ka soo baxday jaamacada Soomaaliya, waxaana dabley hubeysan la sheegay inay rasaas ku fureen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dableyda hubeysan ay doonayeen inay afduubtaan, hase ahaatee ay ilaaladii la socotay is hor-taageen.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay hey’adaha ammaanka dowladda, iyadoo goobta wax ka dhaceen ay gaareen ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida.

1-DIL 5-DIL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles