Dowladda Puntland ayaa walaac xoogan ka muujisay lacago been abuur ah oo la sheegay in lagusoo dabulayo gobolada Puntland kuwaas oo la sheegay haddii aan laga hortagin in ay ka dhalankarto dhibaato dhaqaalo xumo ah.
Wasiir ku xigeenka Maaliyadda Puntland C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in maanta Boosaaso ay ku qabteen ragg sariflayaal ay ku jiraan oo ku hawlanaa soo galinta lacagtaasi, iyo waliba lacago lagu soo qariyay gawaari xamuula.
Halkan ka Dhegayso Codka Wasiir ku xigeenka Maaliyada Dowlada Puntland.
C/raxmaan Xaaji Xasan ayaa digiin adag u soo jeediyay gawaarida xamuulka qaada ee ka imaanaya koonfurta Soomaaliya ee lacagahaasi lagu soo qariyo, Wuxuuna carabka ku dhuftay in gaarigii falkaas lagu helaa dawladdu ay tallaabo ka qaadi doonto.
Wuxuu ,laamaha ammaanka iyo masuuliyiinta canshuurahaba ku booriyay inay qaadaan tallaabooyin ay ku baarayaan gawaarida ka imaanaysa koonfurta Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii suuqyada sarifka magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo ay walaac ka muujiyeen daabul lagu sameynayo lacaga shilinka Soomaaliga ee rasmiga ah kuwaas oo sheegay in loo qaadayo gobolada dhexe Soomaaliya oo iyagu saameyn xoogani kuyeelatay lacagaha been abuurka ah.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xilli Puntland ay ka cabanayso sii dabar go’a lacagta shillinka Soomaaliga taas oo sababtay in qarashaadkia dowladda lagu badalo lacagta dollarka.
Wasir-ku-xigenka-maliyadda-PL-Cabdiraxman-Maxamud-Xaji-Xasan-