Quantcast
Channel: Raadreeb
Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Dibadbaxyo Rabshado wata oo Muqdisho ka Socda.

$
0
0

Waxaa Xiligan Dibad baxyo rabshada wata ay kasocdaan Xaafado kamid ah Degmada Hodan ee Magaalada iyadoona Ciidamada Dowlada ay rasaas ku kala eryaayaan dadka dibad baxyada dhigaya.

Dibad baxan ayaa ka bilowday Xaafada Warshada Caanaha iyo Sidoo kale Xaafada Damaaayo halkaas ay saakay isugu soo baxeen dadweyne badan oo ka careysan amar kasoo baxay Dowlada Soomaaliya oo ku aadaanaa in dadka dagan Xerada Damaayo iyo Wrashada Caanaha ay isaga guuraan halkaasi.

Dadka dibad baxyada dhigaya ayaa dhagxaan waxa ay ku tuuryeenayeen gawaarida wadada mareesay waxa sidoo kale xireen wadooyinka qaar iyadoona ganacsiga goobaha ay dibad baxyadu kasocdeen la xiray.

Ciidamo katirsan Dowlada ayaa gaaray halka ay kasocdeen Dibad baxyada Rabshada watay waxa ayna bilaabeen in ay rasaas nool nool ku kala eryaan dadka dibad baxayada dhigaya , lamana oga qasaaraha ka dhashay rasaasta ay ridayeen ciidanka dowlada Soomaaliya.

Goob Jooge ku sugan halka uu Dibad baxu kasocdo ayaa sheegaya in Dadka Dibad baxyada dhigaya ay banbaanooyin ku weerareen Ciidamo katirsan Dowlada oo halkaasi u tagay in ay dadka kala eryaan.

banaanbax_muqdisho1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 10369

Trending Articles